Radio Sweden Somali - Raadiyaha Iswiidhen Sveriges Radio
-
- News
-
Warar iyo Barnaamijyo Af Soomali ah Ansvarig utgivare: Klas Wolf-Watz
-
Wararka maanta ee Raadiyaha Iswiidhen
Laba nin oo boliiska Malmö u gudbiyey dalab bannaanbax hor leh oo lagu gubeyo qur,aanka. Fanaaniin badan oo sheegay iney ka noqdee ka qaybgalka tartanka heesaha hirgalay ee Yurub. Magaalada Haparande oo dhacda waqooyiga sweden ayaa laba nin loo qabtay kaydsiga walxaha qarx oo aad u fara badan. Nimankan ayaa iska dheereeyey iney wax dembi ah galeen.
-
Wararka maanta ee Raadiyaha Iswiidhen
Wakaalada caafimaadka dadwaynaha ayaa aaminsan in dad aad u yar oo waayeel ah laga tallaalay cudurka safmareenka ee covid-19. Carruurta ka codsata waalidiintooda iney lacag ugu soo diraan aaladda Swish-ka ayaa inta badan u fuliya. Hanti dhowrka qarankuoo dhaleecayn ba'an u soo jeedinayaa dawladda. Ciidamada Sweden ayaa badda cas u diri doona ciidammo gaaraya ilaa 25 qof.
-
Wararka maanta ee Raadiyaha Iswiidhen
Habeennimadii talaadadii shalay ayuu gaari bartamaha u galay qolka fadhiga guri ku yaala magaalada Ängelholm. Maanta ayaa ku beegan sannadguuradii labaad kolkii dalka Iiraan lagu xabisay Johan Floderus, isagoona lagu eedeeyey jaajuusnimo. Wakaaladda socdaalka ayaa dalbatay miisaaniyad dheeri ah sidii ay uga soo dhalaali lahayd howlaha xukuumaddu u xilsaartay in dalka laga hirgeliyo kun boos oo lagu hayo dadka waddammadoodii dib loogu celineyo.
-
Wararka maanta ee Raadiyaha Iswiidhen
Boosto laga soo direy dalka Jarmalka ayey ku jireen 87 xabo oo ah bastooladaha korontada ee argagaxa oo kontrabaan ah. Hoos u dhac ayaa ku yimid alaabooyinkii laga iibsan jirey shirkadda xiriirka telefoonnada ee Ericssons. Laba wiil oo da'doodu tahay 17 iyo 18 jirro ayaa la go'aamiyey in rummaanka la dhigo. Baaris cusub ayaa muujisay in keliya kala bar waalidiinta ey ilmahooda kala hadlaan xiriirka iyo galmada.
-
Wararka maanta ee Raadiyaha Iswiidhen
Labo wiil ayaa la xiray todobaadkii dhamaadkiisa kadib markii looga shakiyay inay ku lug lahaayeen dil aabbe loogu geystay xaafadda Skärholmen. Nin 60-meeyo jir ah ayaa lagu qabtay garoonka diyaaradaha ee Arlanda, isagoo boorsadiisa ku dhex wata dahab. Soogalootiga ka imanaya bariga Danmark ee soo gaaraya gobolka Skåne waa kii ugu badnaa muddo toban sano ah.
-
Wararka maanta ee Raadiyaha Iswiidhen
Karoonka Swedishka ee daciifka ah ayaa keenay in dalxiisayaasha Danishku ay ku soo qulqulaan Iswiidhen. In haweenka uurka lihi liqaan xanuun baabi'iyaha paracetamol ma kordhinayso khatarta ah in ilmuhu qaado xaaladda autism, ADHD ama naafo maskaxeed. Maxkamada degmada Falu ayaa degmada Falu ka fasaxday inay magdhow siiso waalidka wiil shan jir ahaa oo lagu hayey guryaha dhallaanka lagu xanaaneeyo HBV-hem-ka oo geeriyooday.