Xidhiidhada Nolosha Podcast Amaal Haybe
-
- Society & Culture
Kusoo dhawoow Xidhiidhada Nolosha Podcast. Magacaygu waa Amaal Haybe waxaan ahay tababare nololeed oo qaabilsan dhisida xidhiidhada fayow iyo kobcinta hab-fikirka togan. Waxaan halkan kuuguso gudbin doonaa qaababka cilmiyaysan ee aad naftaada iyo dadka kaleba u la yeelan karto xidhiidh cafimaad qaba oo fayow.Kuxidhnow Xidhiidhada Nolosha Podcast oo salaasa kaste 7:00pm fiidnimo aad ka heli doontid mawduucyo saamayn wanaagsan kuyeelan doona xidhiidhada ka tirsan noloshaada iyo cafimadkaaga maskaxeed. Dhagaysi wacan.
-
Noocyada Khilaafadka (Lamaanaha) Q-1aad
Maxay ku kala duwanyihiin khilaafadka soo if-baxa xidhiidhada dhexdooda waliba xidhiidhada lamaanaha? Khilaafkaste ma waxa weeyan in xal loo raadiyo si xidhiidhkaasi u noqdo mid fayow oo cafimad qaba. Xalqada isbuucan iyo isbuuca soo socda waxay wax ka badali doontaa hab fikirkaaga dhinaca khilaafaadka xidhiidhada dhexdooda.
Dhagaysi wacan.
Facebook https://www.facebook.com/amaalhaybe.coaching
Instagram https://www.instagram.com/p/CpHdlduoJwD/?igshid=YmMyMTA2M2Y= -
Ixtiraamka Dadka Q-2aad
Maxaa ka dhiga dadka qaar dad ka hela dadka kale ixtiraam iyo qadarin? Ixtiraamka dadka kale aad ka heshaa ama aanad ka helini ma yahay mid si toosa ma u la xidhiidhaa kolba inta aad naftaada iyo dabeecadahaaga ka war qabtid? amaba kolba inta aad naftaada ixtiraamtid qadarisidna. Xalqada isbuucan waxaan kaga hadlayaa siduu qofku u dhisi karaa shakhsiyadiisa si uu u noqdo mid dadka iyo mujtamaca dhexdiisa uu u noqdo qof la ixtiraamo oo la qadariyo dhib badanna loola iman.
Dhagaysi wacan.
Facebook https://www.facebook.com/amaalhaybe.coaching
Instagram https://www.instagram.com/p/CpHdlduoJwD/?igshid=YmMyMTA2M2Y= -
Ixtiraamka Dadka Q-1aad
Maxaa ka dhiga dadka qaar dad ka hela dadka kale ixtiraam iyo qadarin? Ixtiraamka dadka kale aad ka heshaa ama aanad ka helini ma yahay mid si toosa ma u la xidhiidhaa kolba inta aad naftaada iyo dabeecadahaaga ka war qabtid? amaba kolba inta aad naftaada ixtiraantid qadarisidna. Xalqada isbuucan waxaan kaga hadlayaa siduu qofku u dhisi karaa shakhsiyadiisa si uu u noqdo mid dadka iyo mujtamaca dhexdiisa uu u noqdo qof la ixtiraamo oo la qadariyo dhib badanna loola iman.
Dhagaysi wacan.
Facebook https://www.facebook.com/amaalhaybe.coaching
Instagram https://www.instagram.com/p/CpHdlduoJwD/?igshid=YmMyMTA2M2Y= -
Hab - Fikirka Togan| Ducooyinka
Xalqada isbuucan waxay tahay mid aan kaga hadlayo dhowr cashar oo la xidhiidha habfikirkeena dhinaca ducada iyo waxyabaha aynu bishii Ramadan ka baranay sidaynu nolosheena ugu dabiqi lahayn.
Dhagaysi wacan.
Facebook https://www.facebook.com/amaalhaybe.coaching
Instagram https://www.instagram.com/p/CpHdlduoJwD/?igshid=YmMyMTA2M2Y= -
Naf la hadhid Q-2aad| Self Sabotage
Waa maxaay talaabooyinka ay tahay qofku inuu qaado si uu wax uga badali karo dabeecadan aan fayoobayn ee uu leeyahay?
Ma ogtahay in mararka qaar in aad adigu naftaada la hadhi kartid (self-sabotage). Hadaba dhaqan ama dabeecado noocma ah ayuu qofku muujiyaa markuu yahay qof naftiisa la hadhaya oo aaminadihiisa iyo dareemadiisu yihiin waxa ka hor istaagaya in uu isbadal la yimaado noloshiisa u fiican ama aqbalo waxyabaha fiican ee noloshiisa kusoo biira. Jawaabta su'aashan iyo faahfaahin dheeraada waxaad ka helaysaa xalqada isbuucan.
Dhagaysi wacan.
Facebook https://www.facebook.com/amaalhaybe.coaching
Instagram https://www.instagram.com/p/CpHdlduoJwD/?igshid=YmMyMTA2M2Y= -
Naf la hadhid| Self Sabotage Q - 1aad
Ma ogtahay in mararka qaar in aad adigu naftaada la hadhi kartid (self-sabotage). Hadaba dhaqan ama dabeecado noocma ah ayuu qofku muujiyaa markuu yahay qof naftiisa la hadhaya oo aaminadihiisa iyo dareemadiisu yihiin waxa ka hor istaagaya in uu isbadal la yimaado noloshiisa u fiican ama aqbalo waxyabaha fiican ee noloshiisa kusoo biira. Jawaabta su'aashan iyo faahfaahin dheeraada waxaad ka helaysaa xalqada isbuucan.
Dhagaysi wacan.
Facebook https://www.facebook.com/amaalhaybe.coaching
Instagram https://www.instagram.com/p/CpHdlduoJwD/?igshid=YmMyMTA2M2Y=