25 min

Doorashada Soomaaliya: Ka laabashada muddo kordhinta, kaalinta raysal wasaaraha, iyo shirka la filayo in uu qabsoomo Adeeg Wanaag

    • Government

1 dii May ee sanadkan Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa dib uga laabtay muddo kordhintii labada sano ahayd ee uu horey u sameeyay 12-kii April kadib markii uu madaxweynaha u jeediyey khudbad uu kaga codsanayo in dib loogu laabto heshiiskii 17-ka September ee doorashada dadban. 
Isbuucii ka horreeyay dib uga laabashada golaha shacabka ee muddo kordhinta, Muqdisho waxaa ka dhacay dagaallo u dhexeeyay ciidamo ka wada tirsan dowladda kaasoo ka dhashay muddo kordhinta. Kumannaan qof ayaana ku barakacay xiisaddaas ka dhalatay muddo kordhinta. 
Masuuliyadda hoggaaminta arrimaha doorashada iyo sidoo kale amniga doorashada waxaa lagu wareejiyey Raysal Wasaare Maxamed Xuseen Rooble. 
Raysal wasaaraha ayaa ku guuleystay in ciidamadii ka hor yimid muddo kordhinta ay dib ugu laabtaan xarumahoodii. Waxa uu sidoo kale iclaamiyey in 20-ka bisha May uu dhici doono kulan u dhexeeya madaxda dowladda federaalka, dowlad goboleedyada iyo gobolka Benadir oo looga hadlayo arrimaha lagu muransan yahay ee doorashada. 
Podcast-gan, Cabdiraxmaan Caynte iyo  Maxamed Keynaan oo marti ku ahaa SPA Governance Podcast ayaa Mahad Waasuge la falanqeynaya wajiga cusub ee doorashada Soomaaliya, kaalinta raysal wasaaraha, natiijada la filayo in ay kasoo baxdo shirka la filayo in uu bilowdo 20-ka May,  casharrada laga baran karo doorashadii 2016 iyo arrimo kale oo la xiriira doorashada.   
Contact Somali Public Agenda’s Adeeg Wanaag Podcast
· Tweet us at @somalipubagenda, @aweisade (the host), and @SPAPolicyLab
· Email us at podcasts@somalipublicagenda.org
Thanks for listening!

Top Podcasts In Government

HARDtalk
BBC World Service
The Real Story
BBC World Service
Into Africa
CSIS | Center for Strategic and International Studies
Maamul Wanaag
Somali Public Agenda
GovComms: The Future of Government Communication
contentgroup
Any Questions? and Any Answers?
BBC Radio 4