Ogaalka Ruuxda | Nazreen zallah Nazreen Zallah
-
- Education
-
Magacaygu waa Nasreen Sallah; waxaan aad u daneeyaa arimaha ku saabsan wacyiga ruuxda, cilmiyada la xidhiidhka bulshada, Qaangaadhnimada maskaxda, wax ka barashada khibradaha nolosha, wax-yaalaha ku saabsan ibnu-aadamtinimada, walaalnimada, is jacaylka, daganaan-shiyaha, noolaan-shiyaha iyo nabad gudeedka.podcastkan waxa aan idin kula wadaagi doonaa si qoto dheer qisooyinka noloshayda ee aan wax ka bartay iyo kuwa aan wax ka baran doono ee ogaalkiina wax ku dari doona. Waxa aan kaga hadli doonaa muhiimada ay leedahay in aynu noolaano xaqiiqadeena, in aynu aqbalno abuurkeena iyo in aynu baadi goobanno duwanaan-shiyaheena, si aynu ugu noolaano nolol isku miisaaman, farxad leh, daganaanshiyo leh oo ilaahay raali ka yahay, nafteenuna raali ku tahay. "Talo waliba waxay ka iman doontaa qalbigeyga".
-
Xasuusin iyo xasilooni| Raali-galinta dadka.
Xasuusinta xalqadan
Bani aadamka awoodiisa waa la xadiday, waala xadeeyay waana la xakameeyay. Wixii se aad iinsaan ka heli waydo ilaahay xagiisa ka doono, ilaahay xagiisa ka raadso, ilaahayna xagiisana ka baadi doono.
Waa ilaaha iska leh sifada kamaalka, dhamaystirnaanta, iyo isleekaanshiyaha.
Waa rabiga aan agtiisa waxba laga waayin, agtiisa waxba laynagu yeelin. Talo saarashadiisana badbaada aynu bidno oo aynaan ku hungoobin.
Ugu dambayn
Waxkaste aynu kala doono oo aynu hadana kala wayno ee wanaag ah, rabbi baa leh oo awoodooda bixiya, ee xasuuso. -
Maxaynu uga baahanahay in aynu garab kala helno? |Taageerada maskaxda iyo Qur.aanka | Mental support.
Fariimaha yar yar ee aynu helno ayaamaha aynu ugu baahida badannahay laabteena waxbay taraan oo meesha inagu bannaan ayay badh gufeeyaan oo dhaxan tiraan. Si taa la mid ah dadyowga aynu garabka erayadeena iyo wehelnimadeena ku siino ayaamaha nugeyl-koodana meel bay u buuxiyaan aanu garanahaynin ruuxa baahida u qaba mooyee ruux kale oo dibada ka taagani.
Garab kala hela wakhtiyada adag🧡 -
Talooyin gabdhaha quseeya| gabadhyahay dhagayso.
Gabadhnimadu waa hal adayg-nimo iyo dhib qurux badan. 🧡💛
-
12 qodob oo kaa caawin doona u diyaar garawga bisha ramadaan.
Waa 12 qodob oo aydun intiina badan garanaysaan laakiin aan jeclaaday in aan idin xasuusiyo si aydun ugu diyaar noqotaan gudo ahaan, dibad ahaan, iyo guri ahaanba bisha barakaysan ee ramadaan. Waa xalqad dhalinyarta aad u quseysa iyo sidoo kale cidkaste oo danayneysaba.
💛🌙 -
Waa maxay sababta aynu wax u raagsano, marka aynu helno wixii aynu raagsanayna uga xiiso dhacno helida kadib?
Xalqadan waxa aan kaga hadlay wax-yaalo dhawra oo quseeya qiimaynta wax-yaalaha aynu haysano, u fiirsashada quruxda ay leeyihiin wax-yaalaha yaryari iyo jawaabo laba su.aalood oo wakhti hore la i waydiiyay.
Eray waliba wuxuu ka yimid qalbigeyga dhagaysi wanaagsan.💛 -
Codka gudaha| الصوت الداخلي | Qalbiga iyo caqliga midkee go.aanka laga gaadhaa?
Xalqadan waxa aan kaga hadlay Codka guduhu waxa uu yahay, qaybihiisa, noocyada uu u kala baxo, saamaynta uu inagu yeelan karayo ee togan iyo saamaynta uu inagu yeelan karayo ee taban.
Waxa aan kaga hadlay caqliga iyo qalbiga codadkooda, kala duwanaan-shiyahooda iyo go.aan qaadashada. ugu dambayn waxa aan kaga hadlay muhiimada ay leedahay in aad iska xakamayso codka gudaha ee taban, kana war-qabto xiliga iyo xaalada uu caqligaaga qaybta dahsooni kugu dafcinayo in aad is canaanato.