Adeeg Wanaag Somali Public Agenda
-
- Government
Public services in Somalia are highly limited due to the weakness of government institutions struggling to recover from destruction caused by conflict. However, even those government services that do exist fail to serve people effectively. Access to public services is a fundamental right for Somali citizens. Join Aweis Ahmed, the director of the SPA Policy Lab, and his guests, who will intensely discuss the public service matters in Somalia in the Adeeg Wanaag podcast.
-
Saameynta Tartanka Cayaaraha Dowlad-goboleedyada & Gobolka Benaadir
Tartamada cayaaruhu waa mid ka mid ah dhacdooyinka bulshada ee ugu sameynta badan dunida. Adeegga madadaalada oo ay ka helaan dadka waxaa wehliya in ay qeyb weyn ka qaataan is dhexgalka, jiheynta iyo qaabeynta bulshada. Haddaba, tartanka cayaaraha dowlad-goboleedyada iyo gobolka Benaadir oo dhawaan lasoo gabagabeeyay ayaa wuxuu yeeshay saameyn togan iyo mid taban.
Podcast-gan waxa ay Aweis Axmed iyo Xuseen Maxamed Hadaafow oo weriye arrimaha cayaaraha ah ku falanqeynayaan guud ahaan tartankaasi qabashadiisa, natiijoonkii ka dhashay iyo mustaqbalka tallaabooyinka ay tahay in la qaado si qabashada tartamada iyo habsmi-u-socodkooda sare loogu sii qaado.
Contact Somali Public Agenda’s Adeeg Wanaag Podcast
· Tweet us at @somalipubagenda, @aweisade (the host), and @SPAPolicyLab
· Email us at podcasts@somalipublicagenda.org
Thanks for listening! -
Saameynta Isbeddelka Cimilada ee Soomaaliya
Isbeddelka cimiladda ayaa saameyn ballaaran ku yeeshay dunida guud ahaan gaar ahaan Soomaaliya. Isbeddelka cimilada waxaa ka dhashay dhibaatooyin dhaqaale iyo kuwo bulsho. Si looga hortago ama xal loogu hesho saameynta isbeddelka cimilada, waxaa la sameeyay dadaallo isugu jira shirar sanadle ah, dhaqaale loo qoondeeyay, iyo siyaasado ku aadan arrimahan oo la dejiyay.
Qeybtan 17-aad ee Adeeg Wanaag Podcast waxaa lagu falanqeynayaa saameynta isbeddelka cimilada ee Soomaaliya iyo hababka lagu wajahi karo. Waxaa marti ku ah Dr. Cabdullaahi Cilmi Maxamed oo ah khabiir culuumta deegaanka iyo biyaha ah, kana shaqeeya howlaha la xiriira arrimaha deegaanka.
Contact Somali Public Agenda’s Adeeg Wanaag Podcast
· Tweet us at @somalipubagenda, @aweisade (the host), and @SPAPolicyLab
· Email us at podcasts@somalipublicagenda.org
Thanks for listening! -
Bixinta Kaarka Aqoonsiga Dadweynaha
Kadib buburkii dalka ka dhacay sanadkii 1991, waxaa meesha ka baxay nidaamkii kaararka aqoonsiga dadweynaha, kaasoo udub dhexaad u ahaa helidda adeegyada asaasiga ah sida caafimaadka iyo waraaqaha socdaalka iyo sido kale cashuur bixinta. Hay’adda Diiwangelinta iyo Aqoonsiga Dadweynaha ee Dowladda Federaalka Soomaaliya oo dhawaan la dhisay ayaa bilowday bixinta kaarka aqoonsiga dadweynaha.
Podcast-gan, Maareeye ku xigeenka Hay’ada Diiwangelinta iyo Aqoonsiga Dadweynaha Cabdullahi Biixi Xuseen & Aweis Axmed oo ah Agaasimaha SPA Policy Lab & martigeliyaha Adeeg Wanaag Podcast ayaa ku falanqeynaya bixinta kaarka aqoonsiga dadweynaha.
Contact Somali Public Agenda’s Adeeg Wanaag Podcast
· Tweet us at @somalipubagenda, @aweisade (the host), and @SPAPolicyLab
· Email us at podcasts@somalipublicagenda.org
Thanks for listening! -
Dhismaha & waxqabadka golayaasha deegaanka ee Galmudug & Hirshabeelle
Inkastoo dhismaha dowlad-goboleedyada lasoo gababeeyay 2016-ka, dhismaha goleyaasha deegaanka lagama gaarin guulo wax-ku-ool ah. Goleyaasha deegaanada hadda dhisan oo tiro ahaan kooban ayaa la kulma caqabado badan. Sidoo kale waxaa jira caqabado lagala kulmo hannaanka dhismaha goleyaasha degaanada.
Somali Public Agenda ayaa daabacday faallo ku saaban hannaanka dhismaha iyo waxqabadka goleyaasha deegaanka ee Galmudug & Hirshabeelle. Podcast-gan waxa ay Aweys Axmed iyo Farxaan Isxaaq Yuusuf ku falanqeynayaan nuxurka warbixinta.
Contact Somali Public Agenda’s Adeeg Wanaag Podcast
· Tweet us at @somalipubagenda, @aweisade (the host), and @SPAPolicyLab
· Email us at podcasts@somalipublicagenda.org
Thanks for listening! -
Kaalinta Maamulka Gobolka Benaadir ee Tageeridda Barakacayaasha
Gudaha Soomaaliya waxaa ugu barakacay in ku dhaw 4 malyan muwaadiniin ah sababo la xiriira musiibooyinka dabiiciga ah, kuwa amni darrada la xirriira iyo sababo la xiriira raadinta nolol iyo adeeg ka tayo wacan midka ay heystaan. Tirada ugu badan ee barakacayaashaas oo lagu qiyaasay 1.4 malyan ayaa ku sugan gobolka Benaadir iyo hareerahiisa. Sidoo kale, tiro badan oo barakacayaasha kamid ah ayaa la sheegaa in ay kasoo jeedaan beelaha laga tirada badan yahay, kuwaasoo dhibaatada barakaca ay u dheer tahay dhibaatooyinka bulshada ay kala kulmaan.
Barakacayaasha kasoo jeeda beelaha laga tirada badan yahay ayaa culeysyo kala kulma helidda adeegyada asaasiga ah oo ay bixiyaan hay’adaha gargaarka iyo hay’adaha dowladda. Sidoo kale, dadkaasi waxa ay dhibaato kala kulmaan isdhexgalka bulshada degaannada ay kusoo barakaceen, gaar ahaan Muqdishu iyo hareeraheeda.
Maamulka Gobolka Benaadir, gaar ahaan xafiiska Xalka Waara, ayaa ah hay’adda ka masuulka ah in xal waara loo helo dadka gobolka kusoo barakacay. Sidoo kale, xafiiska waxa uu kaalin ku leeyahay isku xirka maamulka gobolka Benaadir, dowladda federalka ah, deeq bixiyeyaasha caalamiga ah, hay’daha gargaarka, bulshada rayidka iyo dadka barakcayaasha ah.
Podcast-gan waxa Zaynab Axmed oo ah Agaasimaha Xafiiska Xalka Waara ee Maamulka Gobolka Benaadir iyo Aweys Axmed oo ah Agaasimaha SPA Policy Lab ay ku falanqeynayaan kaalinta Maamulka Gobolka Benaadir ee taageeridda beelaha laga tirada badan yahay ee barakacayaasha kamid ah iyo ururrada bulshada rayidka ah ee u dhaqdhaqaaqa guud ahaan beelaha la heyb sooco.
Podcast-gaan waxaa iska kaashaday Somali Public Agenda, ReDSS (Regional Durable Solutions Secretariat), Danwadaag Consortium iyo USAID.
Contact Somali Public Agenda’s Adeeg Wanaag Podcast
· Tweet us at @somalipubagenda, @aweisade (the host), and @SPAPolicyLab
· Email us at podcasts@somalipublicagenda.org
Thanks for listening! -
Falanqeyn sanad-waxbarasheedka asaasiga ah ee jaamacadaha lagu kordhinayo
Soomaaliya ayaa wajaheysa caqabado joogta ah oo la xiriira tayada waxbarashada sare. Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare ee Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa iyada oo ka duuleysa caqabadahaas waxa ay dhawaan soo saartay amar ah in laga billaabo sanad-dugsiyeedka 2023/2024 ay ardayda jaamacadaha qaataan sanad dheeraad ah oo aasaaskooda lagu dhisayo. Amarka ayaa soo baxay xilli billaabashada sanad-dugsiyeedka uu dhawaa. Qeybaha bulshada ee amarkan uu khuseeyo ayaa siyaabo kala duwan uga hadlay.
Somali Public Agenda ayaa dhawaan daabacday faallo lagu falanqeeyay amarka Wasaarada Waxbarashada kasoo baxay, walaaca laga muujiyay, iyo saameynta taban iyo midda togan ee uu ku yeelan karo qeybaha bulshada ee uu amarka khuseeyo. Podcast-gan waxa ay Aweis Axmed oo ah martigeliyaha Adeeg Wanaag Podcast ee Somali Public Agenda & Farxaan Isxaaq Yuusuf oo ah qoraha faallada ku falanqeynayaan nuxurka faallada iyo talooyinka lasoo jeediyey ee tixgelinta mudan.
Contact Somali Public Agenda’s Adeeg Wanaag Podcast
· Tweet us at @somalipubagenda, @aweisade (the host), and @SPAPolicyLab
· Email us at podcasts@somalipublicagenda.org
Thanks for listening!