에피소드 36개

Public services in Somalia are highly limited due to the weakness of government institutions struggling to recover from destruction caused by conflict. However, even those government services that do exist fail to serve people effectively. Access to public services is a fundamental right for Somali citizens. Join Aweis Ahmed, the director of the SPA Policy Lab, and his guests, who will intensely discuss the public service matters in Somalia in the Adeeg Wanaag podcast.

Adeeg Wanaag Somali Public Agenda

    • 정부

    Wacyiga Bulshada ee Xanuunnada Nafsiga ah & Daweyntooda

    Wacyiga Bulshada ee Xanuunnada Nafsiga ah & Daweyntooda

    Dagaallada sokeeye waxay sababeen burbur xooggan oo ku yimid guud ahaan adeegyada caafimad ee dalka, gaar ahaan adeegyada caafimaad ee la xiriira xanuunnada dhimirka ku dhaca. Daraasaddii ugu dambeysay ee degmooyin kamid ah dalka laga sameeyay waxa ay sheegtay in 77% dadka Soomaaliyeed ay la daaladhacayaan xanuunnada nafsiga ah, kuwaasoo ay sababeen duruufaha khalafsan ee ay sababeen colaadaha iyo musiibooyinka dabiiciga ah.  

    Qeybtan 19-aad ee Adeeg Wanaag Podcast waxa ay Aweys Axmed & Dr. Axmed Jaamac Shidane oo ah dhakhtar ku takhasusay xanuunada nafsiga ku falanqeynayaan guud ahaan xanuunada maanka ku dhaca, wacyiga bulshada Soomaaliyeed ee ku aadan xanuunnadan, sida ay tahay in ay ula falgalaan iyo adeegyada caafimaadka ee la heli karo. 
    Contact Somali Public Agenda’s Adeeg Wanaag Podcast
    · Tweet us at @somalipubagenda, @aweisade (the host), and @SPAPolicyLab
    · Email us at podcasts@somalipublicagenda.org
    Thanks for listening!

    • 44분
    Saameynta Tartanka Cayaaraha Dowlad-goboleedyada & Gobolka Benaadir

    Saameynta Tartanka Cayaaraha Dowlad-goboleedyada & Gobolka Benaadir

    Tartamada cayaaruhu waa mid ka mid ah dhacdooyinka bulshada ee ugu sameynta badan dunida. Adeegga madadaalada oo ay ka helaan dadka waxaa wehliya in ay qeyb weyn ka qaataan is dhexgalka, jiheynta iyo qaabeynta bulshada. Haddaba, tartanka cayaaraha dowlad-goboleedyada iyo gobolka Benaadir oo dhawaan lasoo gabagabeeyay ayaa wuxuu yeeshay saameyn togan iyo mid taban.     

    Podcast-gan waxa ay Aweis Axmed iyo Xuseen Maxamed Hadaafow oo weriye arrimaha cayaaraha ah ku falanqeynayaan guud ahaan tartankaasi qabashadiisa, natiijoonkii ka dhashay iyo mustaqbalka tallaabooyinka ay tahay in la qaado si qabashada tartamada iyo habsmi-u-socodkooda sare loogu sii qaado.   

    Contact Somali Public Agenda’s Adeeg Wanaag Podcast
    · Tweet us at @somalipubagenda, @aweisade (the host), and @SPAPolicyLab
    · Email us at podcasts@somalipublicagenda.org
    Thanks for listening!

    • 59분
    Saameynta Isbeddelka Cimilada ee Soomaaliya

    Saameynta Isbeddelka Cimilada ee Soomaaliya

    Isbeddelka cimiladda ayaa saameyn ballaaran ku yeeshay dunida guud ahaan gaar ahaan Soomaaliya. Isbeddelka cimilada waxaa ka dhashay dhibaatooyin dhaqaale iyo kuwo bulsho. Si looga hortago ama xal loogu hesho saameynta isbeddelka cimilada, waxaa la sameeyay dadaallo isugu jira shirar sanadle ah, dhaqaale loo qoondeeyay, iyo siyaasado ku aadan arrimahan oo la dejiyay.   

    Qeybtan 17-aad ee Adeeg Wanaag Podcast waxaa lagu falanqeynayaa saameynta isbeddelka cimilada ee Soomaaliya iyo hababka lagu wajahi karo. Waxaa marti ku ah Dr. Cabdullaahi Cilmi Maxamed oo ah khabiir culuumta deegaanka iyo biyaha ah, kana shaqeeya howlaha la xiriira arrimaha deegaanka. 

    Contact Somali Public Agenda’s Adeeg Wanaag Podcast
    · Tweet us at @somalipubagenda, @aweisade (the host), and @SPAPolicyLab
    · Email us at podcasts@somalipublicagenda.org
    Thanks for listening!

    • 38분
    Bixinta Kaarka Aqoonsiga Dadweynaha

    Bixinta Kaarka Aqoonsiga Dadweynaha

    Kadib buburkii dalka ka dhacay sanadkii 1991, waxaa meesha ka baxay nidaamkii kaararka aqoonsiga dadweynaha, kaasoo udub dhexaad u ahaa helidda adeegyada asaasiga ah sida caafimaadka iyo waraaqaha socdaalka iyo sido kale cashuur bixinta. Hay’adda Diiwangelinta iyo Aqoonsiga Dadweynaha ee Dowladda Federaalka Soomaaliya oo dhawaan la dhisay ayaa bilowday bixinta kaarka aqoonsiga dadweynaha.

    Podcast-gan, Maareeye ku xigeenka Hay’ada Diiwangelinta iyo Aqoonsiga Dadweynaha Cabdullahi Biixi Xuseen & Aweis Axmed oo ah Agaasimaha SPA Policy Lab & martigeliyaha Adeeg Wanaag Podcast ayaa ku falanqeynaya bixinta kaarka aqoonsiga dadweynaha. 

    Contact Somali Public Agenda’s Adeeg Wanaag Podcast
    · Tweet us at @somalipubagenda, @aweisade (the host), and @SPAPolicyLab
    · Email us at podcasts@somalipublicagenda.org
    Thanks for listening!

    • 59분
    Dhismaha & waxqabadka golayaasha deegaanka ee Galmudug & Hirshabeelle

    Dhismaha & waxqabadka golayaasha deegaanka ee Galmudug & Hirshabeelle

    Inkastoo dhismaha dowlad-goboleedyada lasoo gababeeyay 2016-ka, dhismaha goleyaasha deegaanka lagama gaarin guulo wax-ku-ool ah. Goleyaasha deegaanada hadda dhisan oo tiro ahaan kooban ayaa la kulma caqabado badan. Sidoo kale waxaa jira caqabado lagala kulmo hannaanka dhismaha goleyaasha degaanada. 
    Somali Public Agenda ayaa daabacday faallo ku saaban hannaanka dhismaha iyo waxqabadka goleyaasha deegaanka ee Galmudug & Hirshabeelle. Podcast-gan waxa ay Aweys Axmed iyo Farxaan Isxaaq Yuusuf ku falanqeynayaan nuxurka warbixinta. 

    Contact Somali Public Agenda’s Adeeg Wanaag Podcast
    · Tweet us at @somalipubagenda, @aweisade (the host), and @SPAPolicyLab
    · Email us at podcasts@somalipublicagenda.org
    Thanks for listening!

    • 39분
    Kaalinta Maamulka Gobolka Benaadir ee Tageeridda Barakacayaasha

    Kaalinta Maamulka Gobolka Benaadir ee Tageeridda Barakacayaasha

    Gudaha Soomaaliya waxaa ugu barakacay in ku dhaw 4 malyan muwaadiniin ah sababo la xiriira musiibooyinka dabiiciga ah, kuwa amni darrada la xirriira iyo sababo la xiriira raadinta nolol iyo adeeg ka tayo wacan midka ay heystaan. Tirada ugu badan ee barakacayaashaas oo lagu qiyaasay 1.4 malyan ayaa ku sugan gobolka Benaadir iyo hareerahiisa. Sidoo kale, tiro badan oo barakacayaasha kamid ah ayaa la sheegaa in ay kasoo jeedaan beelaha laga tirada badan yahay, kuwaasoo dhibaatada barakaca ay u dheer tahay dhibaatooyinka bulshada ay kala kulmaan. 

    Barakacayaasha kasoo jeeda beelaha laga tirada badan yahay ayaa culeysyo kala kulma helidda adeegyada asaasiga ah oo ay bixiyaan hay’adaha gargaarka iyo hay’adaha dowladda. Sidoo kale, dadkaasi waxa ay dhibaato kala kulmaan isdhexgalka bulshada degaannada ay kusoo barakaceen, gaar ahaan Muqdishu iyo hareeraheeda.  

    Maamulka Gobolka Benaadir, gaar ahaan xafiiska Xalka Waara, ayaa ah hay’adda ka masuulka ah in xal waara loo helo dadka gobolka kusoo barakacay. Sidoo kale, xafiiska waxa uu kaalin ku leeyahay isku xirka maamulka gobolka Benaadir, dowladda federalka ah, deeq bixiyeyaasha caalamiga ah, hay’daha gargaarka, bulshada rayidka iyo dadka barakcayaasha ah.

    Podcast-gan waxa Zaynab Axmed oo ah Agaasimaha Xafiiska Xalka Waara ee Maamulka Gobolka Benaadir iyo Aweys Axmed oo ah Agaasimaha SPA Policy Lab ay ku falanqeynayaan kaalinta Maamulka Gobolka Benaadir ee taageeridda beelaha laga tirada badan yahay ee barakacayaasha kamid ah iyo ururrada bulshada rayidka ah ee u dhaqdhaqaaqa guud ahaan beelaha la heyb sooco. 

    Podcast-gaan waxaa iska kaashaday Somali Public Agenda, ReDSS (Regional Durable Solutions Secretariat), Danwadaag Consortium iyo USAID.

    Contact Somali Public Agenda’s Adeeg Wanaag Podcast
    · Tweet us at @somalipubagenda, @aweisade (the host), and @SPAPolicyLab
    · Email us at podcasts@somalipublicagenda.org
    Thanks for listening!

    • 54분

인기 정부 팟캐스트

The Real Story
BBC World Service
秋元才加のWeekly Japan!!
TOKYO FM
Understanding Public Policy (in 1000 and 500 words)
Professor Paul Cairney
Parenthetically
NYU Law Review
NATO Review
Natochannel
Strict Scrutiny
Crooked Media

추천 항목

Kabasho
Hamda Hussein
Kusoo dhawaada
Dirisle somali
Ogaalka Ruuxda | Nazreen zallah
Nazreen Zallah
Abubakar Mohammed
Abubakar Mohammed