36 afleveringen

Somalia faces multiple governance challenges. The country is recovering from years of conflict, lawlessness and weak administration. Understanding and improving governance in Somalia is one of the core missions of Somali Public Agenda. Join Mahad Wasuge, SPA Executive Director, and his guests who will delve deep into governance issues in Somalia in the Maamul Wanaag podcast. 

Maamul Wanaag Somali Public Agenda

    • Overheid

Somalia faces multiple governance challenges. The country is recovering from years of conflict, lawlessness and weak administration. Understanding and improving governance in Somalia is one of the core missions of Somali Public Agenda. Join Mahad Wasuge, SPA Executive Director, and his guests who will delve deep into governance issues in Somalia in the Maamul Wanaag podcast. 

    Gorfeyn Miisaaniyadda Dowladda Federaalka ee Sanadka 2024

    Gorfeyn Miisaaniyadda Dowladda Federaalka ee Sanadka 2024

    Miisaaniyadda dowladda federaalka Soomaaliya ee 2024 ayaa baarlamaanka ku ansixiyay kalfadhi wadajirka ah bishii Diseembar 2023. Miisaaniyadda dowladda federaalka ee sanadka 2024 ayaa markii ugu horreysay gaartay $1 billion. Inkastoo halkudhigga miisaaniyadda sanadkaan uu yahay ‘ku tiirsanaanta awooddeena dakhli’, 67% miisaaniyadda ayaa laga filayaa deeq-bixiyeyaasha oo ku bixinaya taageero mashaariic iyo kab miisaaniyadeed. Dakhliga gudaha ee la filayo ayaa ah 33%.  

    24.5% waxay ku bixi doontaa hay’adaha difaaca iyo amniga, halka 22.3% loo qoondeeyay hay’adaha horumarinta dhaqaalaha; 20% miisaaniyada ayaa loo qorsheeyay gaarsiinta adeegga bulshada. Qeybtan 36-aad ee Maamul Wanaag Podcast, Mahad Waasuge & Farxiya Maxamuud ayaa ku falanqeynaya miisaaniyadda dowladda federaalka ee 2024 ee amniga, horumarka dhaqaalaha, iyo adeegyada bulshada.  
    Contact Somali Public Agenda’s Maamul Wanaag Podcast
    · Tweet us at @somalipubagenda and @MahadWasuge (the host)
    · Email us at podcasts@somalipublicagenda.org
    Thanks for listening!

    • 20 min.
    Doorashooyinka & Wax-ka-beddelka Dastuurka

    Doorashooyinka & Wax-ka-beddelka Dastuurka

    Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa dhawaan soo gabagabeeyay ka doodista 4 cutub oo kamid ah dastuurka oo loosoo gudbiyay 12-kii February. Baarlamaanka ayaa cutub kasta ka dooday dhowr maalmood. Cutubyadan ayaa wax-ka-beddel lagusoo sameeyay waxaana kasoo shaqeeyay guddiga madaxa-bannaan ee dib-u-eegista iyo wax-ka-beddelka dastuurka. 28-kii Maarso, nuqul wax-ka-beddel lagu sameeyay ayaa loo qeybiyay xildhibaannada baarlamaanka iyadoo 30-ka Maarso loo jadwaleeyay u codeynta afarta cutub.  

    Cutubka 4-aad waxa uu ka hadlayaa arrimaha la xiriira doorashooyinka. Waxa uu ka kooban yahay 15 qodob. 14 qodob ayaa cusub. Cutubkan ayaa dhaliyay doodo iyo diidmo ka timid qaar kamid ah xildhibaannada iyo siyaasiyiin ay kamid yihiin labo madaxweyne hore. Somali Public Agenda & Somali Dialogue Platform ayaa daabacay warbixin gorfeyneysa cutubka afaraad ee dastuurka.

    Podcast-gan waxa lagu falanqeyneynaa dib-u-eegista iyo wax-ka-beddelka dastuurka iyo arrimaha doorashooyinka ee uu khilaafka ka jiro. Waxaa marti ku ah Dr. Xuseen Sheekh Maxamuud oo ah Lataliyaha Madaxweynaha ee Arrimaha Dastuurka. Xuseen waxa uu horey uga mid ahaa Aqalka Sare iyo Guddiga Lasocodka ee Baarlamaanka, waxa uuna dhawaan ahaa Agaasimaha Madaxtooyada.


    Contact Somali Public Agenda’s Maamul Wanaag Podcast
    · Tweet us at @somalipubagenda and @MahadWasuge (the host)
    · Email us at podcasts@somalipublicagenda.org
    Thanks for listening!

    • 49 min.
    Gorfeyn Is-afgaradka Itoobiya & Soomaaliland

    Gorfeyn Is-afgaradka Itoobiya & Soomaaliland

    1-dii January ee sanadkan 2024, Raysal Wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed iyo Madaxweynaha Soomaaliland Muuse Biix Cabdi ayaa Is-Afgarad ku saxiixay magaalada Addis Ababa. Inkastoo aanan la faafin is-afgaradka, macluumaadka la helay ayaa sheegaya in Itoobiya muddo 50 sano ah laga kireynayo 20 kilomitir oo dhul ah iyo saldhig ciidamadeeda badda. Soomaaliland ayaa la sheegay in ay ku beddelaneyso ictiraaf ay ka hesho Itoobiya. Dowladda Federaalka Soomaaliya, ururrada gobolka iyo dalal badan ayaa ka hadlay kanasoo horjeestay is-afgaradka.

    Podcast-gan waxa ay Dr. Axmed Cali Khayre oo ah Cilmibaare iyo lataliye arrimaha sharciga & Mahad Waasuge ku falanqeynayaan nuxurka is-afgaradka, fasiraadda sharci ee loo sameyn karo, iyo tallaabooyinka sharci ee u furan Soomaaliya. 


    Contact Somali Public Agenda’s Maamul Wanaag Podcast
    · Tweet us at @somalipubagenda and @MahadWasuge (the host)
    · Email us at podcasts@somalipublicagenda.org
    Thanks for listening!

    • 42 min.
    Soomaaliya: Dib-u-heshiisiin mise Dhab-u-heshiisiin?

    Soomaaliya: Dib-u-heshiisiin mise Dhab-u-heshiisiin?

    Soomaaliya waxa ay soo martay dagaallo badan; ilaa maantana qeybo kamid ah dalka waxaa ka dhaca dagaallo ay dad badan ku dhintaan. Dib-u-heshiisiin dhab ah iyo is cafin ma dhicin. Is-aaminaadda bulshadana waa mid hooseysa. Dowlad-dhiska Soomaaliyana weli waa mid curdun ah. Maxkamadaha ayaa ku yaalla magaalooyinka iyadoo dadka oo dhan aanay dacwadahooda geysan. Odayaasha dhaqanka ayaa qeyb weyn ka qaata xallinta khilaafyada.

    Podcast-gan waxa ay Jaamac Cigaal oo khabiir ku ah arrimaha dib-u-heshinta iyo Mahad Waasuge ku falanqeynayaan sababaha aanay dib-u-heshiisiin dhab ah uga dhicin Soomaaliya iyo dhabbaha ay tahay in loo maro.


    Contact Somali Public Agenda’s Maamul Wanaag Podcast
    · Tweet us at @somalipubagenda and @MahadWasuge (the host)
    · Email us at podcasts@somalipublicagenda.org
    Thanks for listening!

    • 47 min.
    Is-beddelka siyaasadeed ee Laascaanood

    Is-beddelka siyaasadeed ee Laascaanood

    Is-beddel siyaasadeed ayaa ka dhacay magaalada Laascaanood ah caasimadda gobolka Sool. Tan iyo sanadkii 2007, Soomaaliland ayaa maamuleysay magaalada. Dibadbaxyo isku beddelay dagaal oo ka dhashay dilal ka dhacay magaalada ayaa billowday horraantii sanadkan. Muddo ayay magaalada ka jireen dagaallo iyo duqeymo ay dad badan ku dhinteen dad kalena ku dhaawacmeen sidoo kalena kumannaan qoys ku barakeceen. Dhawaan dagaal culus oo ka dhacay duleedka magaalada kadib waxaa gacan kuheynta gobolka Sool la wareegay ciidamada SSC Khaatumo. 
    Hoggaamiyaha maamul cusub oo loo sameeyay SSC-Khaatumo Cabdiqaadir Axmed Aw-Cali (Firdhiye) ayaa dhawaan yimid Muqdisho. Madaxa maamulka cusub oo si weyn loogusoo dhaweeyay Muqdisho ayaa la kulmay masuuliyiinta dowladda federaalka.

    Podcast-gan waxa ay Dr Cabdifataax Daahir iyo Mahad Waasuge ku falanqeynayaan is-beddelka siyaasadeed ee Laascaanood. Dr. Cabdifataax waa aqoonyahan horey usoo noqday xildhibaan katirsan baarlamaanka federaalka oo metelayay gobollada Soomaaliland. Waxa uu hadda cilmibaare ka yahay Jaamacadda Manchester. 


    Contact Somali Public Agenda’s Maamul Wanaag Podcast
    · Tweet us at @somalipubagenda and @MahadWasuge (the host)
    · Email us at podcasts@somalipublicagenda.org
    Thanks for listening!

    • 37 min.
    Ballaarinta Ka-qeybgalka Siyaasadda Soomaaliya

    Ballaarinta Ka-qeybgalka Siyaasadda Soomaaliya

    Doorasho toos ah oo ay dadweynaha soo doortaan hoggaankooda heer federaal kama dhicin Soomaaliya. Kaa qeybgalka haweenka iyo guud ahaan bulshada ee arrimaha siyaasadeed ee muhiimka ah noloshoodana saameynta weyn ku leh ayaa xaddidan.

    Dhawaan Somali Public Agenda iyo Raagsan waxa ay la daabaceen Somali Dialogue Platform labo cilmibaaris oo lagu eegay heerka ka qeybgalka haweenka iyo guud ahaan bulshada ee arrimaha siyaasadeed ee dalka gaar ahaan arrimaha doorashooyinka iyo geeddi-socodka dib-u-eegista dastuurka.

    Podcast-gan, oo ay iska kaashanayaan Somali Public Agenda & Somali Dialogue Platform, waxa ay Badra Yuusuf (Agaasimaha Raagsan) iyo Mahad Waasuge (Agaasimaha Somali Public Agenda iyo martigeliyaha Maamul Wanaag Podcast) ku falanqeynayaan nuxurka natiijada kasoo baxday labada cilmibaaris.
    Contact Somali Public Agenda’s Maamul Wanaag Podcast
    · Tweet us at @somalipubagenda and @MahadWasuge (the host)
    · Email us at podcasts@somalipublicagenda.org
    Thanks for listening!

    • 43 min.

Top-podcasts in Overheid

De Dienst
AIVD
Dossier Delict - de podcast van het NIFP
NIFP
Door de ogen van de Koning
RVD / Tonny Media
Berlijn. Het verhaal van de muur
Klara
Dossier AIVD
NPO Radio 1 / KRO-NCRV
Deep State Radio
The DSR Network

Suggesties voor jou

Xidhiidhada Nolosha Podcast
Amaal Haybe
Kabasho
Hamda Hussein
The Level Up English Podcast
Michael Lavers
6 Minute English
BBC Radio
The English We Speak
BBC Radio
The Horn
International Crisis Group