11 afleveringen

Tahainspires waa barnaamij Waxbarasho iyo Hogaamin. Hiigsigeena waa kobcinta wacyiga aqooneed, bulshadeed iyo xoojinta kartida hogaamineed ee dadkeena.
Hadii aad tahay qof jecel CILMI iyo HORUMAR rukumo Podcastigeena weliba adigoo la wadaagi kara bulshadaada.
Luuqad ahaan chanelku wuxuu isticmaalayaa Labada Lahjadood ee Af Soomaaliga ee Maay iyo Maxaatiri.

Taha Inspires Taha Inspires

    • Onderwijs

Tahainspires waa barnaamij Waxbarasho iyo Hogaamin. Hiigsigeena waa kobcinta wacyiga aqooneed, bulshadeed iyo xoojinta kartida hogaamineed ee dadkeena.
Hadii aad tahay qof jecel CILMI iyo HORUMAR rukumo Podcastigeena weliba adigoo la wadaagi kara bulshadaada.
Luuqad ahaan chanelku wuxuu isticmaalayaa Labada Lahjadood ee Af Soomaaliga ee Maay iyo Maxaatiri.

    KACAANKII WAXBARASHO EE FINLAND

    KACAANKII WAXBARASHO EE FINLAND

    Dalka Finland waa dal kuyaala qaaradda Yurub wuxuuna juqraafi ahaan u dhexeeyaa dalalka kala ah Norway, Ruushka iyo Iswiidhen. Wuxuu caan kuyahay goobaha biyo fadhiga ah ‘Lakes’. Sanado badan oo uu dalalka deriska la ah ayaa gumeysi kuhayey haddana waa dal ilaashadey huwiyyaddiisa. Sanadihii u dambeeyey Finland waxay hormuud ku yihiin hanaankooda waxbarsho oo aad u tayo badan. Buugga Kacaankii Waxbarasho ee Finland waxaan ku eegeynaa sida ay waxbarashadoodu tahay. Qoraaga buugga PasiSahlberg, macalin Jaamacadda Harvard, noqdeyna Agaasimaha Wasaaradda Waxbarashada Finland.


     Bajedka waxbarasho waa12%. 
     Ahmiyadda ugu weyn waxaa lasiiyaa caruurta farxadooda iyo inay noqdaan kuwo madaxbanaan. 
    Shaqsi walba sida ugu fudud uu wax kubaran karo ayaa loo baraa. 
    Ardada 7 jir ayey iskuul ku bilaabaan, keligood ayaana aada si ay u bartaan madaxbanaani. 
    4 saac keliya ayaa cashar la dhigtaa maalintii taasoo kadhigta dalka ugu saacadaha waxbarasho yar Yurub ugu tayo badan waxbarashadiisa. 
    Ardada iyo macalimiinta marwalba wey isla joogaan sida waqtiga cunnada oo kale si ay u weydiiyaan wax walbo oo cusub. 
    Farshaxanka ayay aad muhiimad u siiyaan.. 
    Hanaanka waxbarasho waa ‘Baro oo la noolow’. 
    Ardada uniform maxirtaan.
    Iskuulada matartamaan ee shaqo wadaag ayey sameeyaan. 
     Caruurta looma diro shaqo guri lagamana qaado imtixaan. Goobta waxbarasho waa iskuulka. Caruurta waxaa lasiiyaa waqti ay naftooda iyo dunida kaleba ay ku bartaan. 
    Majiro Iskuul qaas loo leeyahay. Dhammaan waa dowli.
     Ardadu waxay ka qeybqaataan howl maalmeedka iskuulka sida nadaafadda, waraabinta beeraha, cuno gurashada si masuuliyad loo dareensiiyo loona jecleysiiyo. 
    Shaqada ugu fiican waa macalinnimo. Macalinku waa inuu shahaadada heerka labaad heystaa, shaqada jeclaa, wada shaqeyn yaqaano, xirfad wada xiriirka leeyahay,
    Macalimiintu isbuuc walba siminaar ayey galaan. 
    Tusaalooyinka casharada waa dhacdooyinka noloshooda si looga saaro aan bartee maxay i tartaa? 
    Aragti wadaag oo maskaxda la tuujiyo.
    Manhajka waxbarasho maahan shaqada xukuumadda, waa shaqada macalimiinta, iskuulada iyo dowladda hoose. Iskuulo badan waxay leeyihiin manhaj u gaar ah, kaasoo ay ogol yihiin bahda waxbarasho.

    Waa Kuma Macalin? Macalinku waa hogaamiye, hogaamiyaha ugu wanaagsanna waa kan howshiisa si hufan u qabsada. Macalinku waa kan mar walba waxbarsho ufuran, qaldaadkiisa qibrad kahela, qibradiisana xirfaddiisa ku kordhiya. Sidoo kale waa cilmi baare, saynisyahan ah.

    Barnaamijak oo maqal iyo muuqaal ah ka daawo Taha Inspires 

     Wa billahi Towfiiq

    • 18 min.
    Ka bulsho ahaan maxaan gacanteena ku jira oo sameyn karnaa?

    Ka bulsho ahaan maxaan gacanteena ku jira oo sameyn karnaa?

    Ka bulsho ahaan maxaan gacanteena ku jira oo sameyn karnaa?

    Adiga iyo doorkaada muxuu yahay?

    ---

    Wadamada qaar waxay sameysteen hal kudhikyo ay dadkooda ugu dhiiro gelinayaan la dagaalanka Cudurkaan – Sida “Dhamaanteena masuul baa nahay" iyo sidoo kale “Corono Taxaddirkeena kama xoog badno” iyo wixii la mid ah. Anaguna sidoo kale ka bulsho ahaan wado kale inooma furno – Carona taxadirkeena kama xoog badno.

    1. Nadaafadda shaqsi oo joogteyno:

    ---

    -Gacamaha oo si joogto ah loo dhaqo saabuun iyo in 20 seken lagu hayo.

    -In aad farahaaga ka ilaaliso wejigaada oo dhan

    -Xilliyada Qunfaca ama handhisada in aan isticmaalno mandiil hal mar ah (one time use) ah – ama in garabkaada ku hanjisooto

    -Dharka aad banaanka ku aado in meel gaaar ah dhikto oo aadan ku darin dharka qoyska intiisa kale – sidoo kale intaad karto nadaafaddiisana ka taxadirto.

    -  iyo intii kaloo aad karto.

    2. Kala fogaansho Bulshadeed:

    --

    -Fadhi ku dirir bataatan in la joojiyo

    -Inta ay jirto musiibadaan gacan qaadka jooji

    -Odayaasha da’da ah ama jirrooyin kale lanool iyo sidoo kale caruurta in ay guriyahooda joogaan oo bataatan soo bixnin.

    -Hadii aad maqaayad yaanan cunto loo fadhiisan,

    -Hadii aad goob ganacsi leedahay dadka hal mar ha u wada ogolaan in ay gudaha soo buux dhaafiyaan waayo waxaa lagu jiraa xilli dukaameysi adag.

    -Hadii aad ganacsi leedahay oo suura gal kuu tahay saacadda iyo shaqaalaha labadooduba xadid – shaqaalaha shaqadiisa guriga ka soo qabsan karo, u ogoloow arintaas

    -Hadii aad isku araktey calaamadaha gurigaada joog, hasoo bixin in muddo ilaa xaaladdu kugu adagtahay mooyee, markaasna ku soo bax ogaal shaqaale caafimaad.

    -In qof kastoo xilligaan geeriyooda – Janaasadiisa dad yar tagaan si taxadir lehna loo aaso.

    3. Kal fogaanshaha iyo nadaafadda muxuu faa’ideynayaa, hadiiba aan cudurkii dawo loo haynin.

    ----

    -Waxaa yaraanaya dadka uu cudurku gaari lahaa.

    -Waxaa cimri gaabad ku dhacaya cudur sidaha (pathogen)

    -Wuxuu waqti siinayaa in cilmi baariyaasha ay waqti fiican u helaan si talaal loo soo saaro.

    .....

    Ugu dambeyn adigu ha noqon buundadii uu cudurkaas ku faafi lahaa taasoo ka dhalaneys musiibo ballaaran. Aan kordhino wacyiga bulshadeena si loo kordhiyo taxadir wadareed taasoo badbaadin karta nolosha muwaadin Soomaaliyeed.

    .

    Mahadsaniin,

    ....

    Caafimaad ku sooma

    Kuna afurara

    Naxariis

    Dembi dhaaf

    Janno.

    • 20 min.
    2.MUHIIMIDY WALBARYSHTHY

    2.MUHIIMIDY WALBARYSHTHY

    #Muhiimadda Cilmiga 

    ....

    Cilmiga wuxuu ka midyahay waxyaabaha ilaahey subxanahu watacaalaa uga soocey noolaha kale. La’aantiisna aadanuhu ma heli karo wado sax oo uu hadafkiisa ku gaari karo. Tusaale ahaan Nabi Aadan waxaa dhulka khaliifkiisa looga dhigay oo malaa’ikta looga doorbidey waxay ahayd cilimiga ilaahey uu barey. 

    Miraha ka dhasha cilmiga waxaa ka mid ah 

    1. Wax sifeyn – Qofka wax ma sifeyn karo asagoon laheyn cilmi iyo macluumaad u sahaleysa in uu wax sifeeyo. Tusaale ahaan ma sheegi kalorka shaatigaaga adigoon kala garaneynin midabada. 

    2. Wax Fasisirid – Hadaadan aqoon kuu bilaabaneyn ma fasiri kartid sababta ay wax u dhacaan. Tusaale ahaan qofka markuu xanuunsado wuu qandhadaa, sababta ma sheegi kartid hadaadan lahayn aqoon caafimaad. 

    3. Qiyaas – Hadaadan lahayn aqoon hore ma qiyaasi karto waxa berito dhici doono. 

    4. Go’aan Gaarid/Xukumid/ - Cilmiga wuxuu ka midyahay waxyaabaha kuu sahalayo in aad go’aan gaarto. Tusaale ahaan marka aad rabto in aad safarto oo aad haysto dhowr waddo, markasta waxaad doorataa wadada ugu dhow uguna amni badan laakin hadii aadan macluumaad haysan go’aan kama qaadan karto wada aad dooran lahayd. 

    #Saameyn Bulsho 

    Waxaa aad u kala duwan bulshooyinka waxabartey iyo bulshooyinka aan waxabaranl. Bulshada waxbaratey waxaa isbeddelaayo qaab nololeedkooda, kala dambeyntooda iyo nidaamkooda nololeed ee maalinlaha ah. 



    #Talooyin Waxbarasho.

    Ardada dhigata iskulaatka waxaan kula talinaya saddexdaan talo 


    In ay Quraanka xifdiyaan ayagoon dhameyn dugsiga sarre. 
    In wax kabartaan tiknoolojiyada dunida iyo 
    In ay helaan culuumta dhaqaalaha. 



    # Adada Jaamacaddana waxaan kula talin lahaa saddexdaan talo:


    In ay xooga saaraan xirfadaha sida qoraalka, fagaare ka hadalka, Luuqaddaaja iwm. 
    In ay bartaan qaababka bulshooyinka loo abaabulo loolana macaamilo dadyow kala duwan. 
    Barashada qaababka dad loo hogaamiyo iyo culuumta hogaaminta. 



    Wabillahi Tawfiiq, 

    Abdisamad Sh. Abukar

    • 9 min.
    HORDHIGY BARNAAMIJKY WALBAROY ING BASYTHAASE

    HORDHIGY BARNAAMIJKY WALBAROY ING BASYTHAASE

    Asalammu Caleykum,

    Dadky sharyfty leh o jeel wal barishythy haky dhowaatha hordhigy barnaamij lingky maghy dari “WALBAROY ING BASYTHAAE”. Barnaamijkung Tahainspires wali inku tiri galey dadky wal baryshithi jeel, gaar haang kutaabti dhikithaasi dugsy yidi sary i jaamacado . Ingty bading wali ky koobynaathy doone khibradi iyo fiirmooyin gaar eh (Notes) ani aruuryyi inti ani wal baryshythy ky dhax jeri. Wali rajeeyi ingti naghythy barnaamij eed ing khulaaseysing, wal bading ku faay’ideysidang dhaling yerti. 

    ESHERIDI BARNAAMIKUNG haky qaathythy doongni hang hoos ewa ingky muhiimsing. 


    Akhrin dhugeysan
    Akhrin khariiradeysan
    Barow i barithow
    Hilmaang i walbarishy
    Ing fiirsishidi walbarishidi
    Luuqad i walbarishy
    Muhiimidy i ujeedky walbarishithy
    Qorsheyn (learning style) walbarishy
    Sabir i walbarishy
    Walbarishithy i haje
    Walqorow i walbarishy

    Barnaamijka muuqaalkiisa waxaad ka heli kartaa Youtubkeena

    Wabillahi Tawfiiq

    Abdisamad Sh.Abukar

    Madaxa Tahainspires

    • 10 min.
    Qorshaha Istiraatiijiyadeed ee horumarka Umadda_Abdinur Mohamed

    Qorshaha Istiraatiijiyadeed ee horumarka Umadda_Abdinur Mohamed

    Kitaabka: Qorshaha Istiraatiijiyadeed ee horumarka Umadda 

    Qoraaga kitaabka: Dr Tariq suwaidan

    Waxaa soo khulaaseeyey: Abdinur Mohamed Ahmed  

    ...... 

    Ujeedaka aan u soo khulaaseeyey buuggan waa qayb ka mid ah mashruuc loogu magac daray “Cumraan” oo diktoorku door wayn ka qaatay. Waana mashruuc istiraatiiji  ah oo loogu talo galay in lagu sooceliyo sharftii iyo xadaaradii ay ummaddani lahayd iyadoo la tababarayo dadkii howshaa u kici lahaa. Kitaabka nuxurkiisa waa sidan hoose:


    Jaangooynta dhibaatooyinka ummadda Muslimka iyo sababaha keenay dib u dhaca muslimiinta.
    Qeexidda awoodaha iyo kheyraadka ummadda iyo meelaha uu  ku jiro si loola tartami karo bulshooyinka horumarey dhinacyada dhaqaalaha, aqoonta, kaabayaasha iyo caafimaadka 
    In la fahmo waxyaalaha hortaagan isbadalka ummadda (understanding resistance against change) iyo in la xadido caqabadaha joojin kara isbadalka iyo sidii looga gudbi lahaa.

    Wixii dheeri ah nagala soco Youtubkeena Tahainspires 

     ....  

    Wabilaahi Tawfiiq 

    #Tahainspires

     #Cilmi 

    #Horumar

    #Soomaali

    • 17 min.
    KOW I LAMY KY EEDING KORONOVID19

    KOW I LAMY KY EEDING KORONOVID19

    KOW IYO LABO OO KU AADAN XANUUNKA CORNOV19

    #Hordhac

    Waa xanuun sida hergebka oo kale ah oo uu sababo viruska loogu magac darey CoronoV 19. Wuxuu ka mid yahay vaayrusyada xoolaha uga gudba aadanaha. Halista ugu weyn ee xanuunkaan ayaa ah in uu aad u faafid ogyahay, dadka difaaacooda liitana si deg deg ah u dili karo. Taas ayaa keeneysa in loo arko xaalad aan caadi ahayn.

    #Maxay yihiin calaamadihiisa?
    Waxaa jiro saddex shey oo sababa cudurada ku dhaco aadanaha waxayna kala yihiin Bakteeriya, Vayruus iyo jeermisyada ama parasaayada. Bakteeriyada oo dhan ma ahan mid dhib inoo keenta balse waxaaba jiro qaar badan oo qayb weyn ka qaata jiritaanka nolosha aadanaha. Viruskuna sidoo kale dhamaantiisa sida retrovirus oo kaqayb qaata sameysanka hida sidaheena ee DNAda. Hadaba vaayruuska Vorna Vaarus wuxuu kamid yahay vaayrusyada dilaaga ah sida sida Ebola, AIDs iyo sidoo kale Raabiyada oo sidoo kale ah vaayrus xoolaha inooga soo gudba.

    #Sidee looga hortagaa?
    - Dhaqidda gacmaha iyadoo la isticmaalayo saabuun gaar ahaan xilliyada aad cunteyn rabto ama cunto diyaarin rabto ama ka timaadey guriga dibaddiisa. 
    - Ilaa inta aad karto farhaagaa ka ilaali indhahaaga, afkaagaba iyo sankaagaba
    - Yareynta isu socodka guud
    - In aan banaanka loo bixin ilaa waxyaabaha laga maarmi waayeyo ma ahee
    - Xoojinta difaaca jirka kaas oo aad ku xoojin karto cunto dheelli tiran gaar ahaan proteeniska iyo weliba hurdo fiican.Waa maxay xalku

    Waa maxay xalku?
    Diinteennu waxay qabtaa mabda’a ah in cudur kasta uu dawo leeyahay. Sidaa ay tahay aadanuhuna kama maarmo in dadaal iyo taxadir muujiyo sida:
    - In lays karantiilo
    - In la joojiyo isu socodka guud dal iyo dibadba 2 asbuuc
    - Waxaa suura gal ah in talaal loo helo, taas oo ah in difaaca jirka loo tababaro la dagaalanka vaayruska.

    #YAa U nugul in ay u dhintaan?
    Viruska marka hore uu jirka soo galo wuxuu weeraraa difaaca jirka iyo xubnaha muhiimka ah oo ay ugu horeeyaan sambabadu. Sidaas darteed dadka difaaca jirkoodu hooseeyo ama jirro ama da’ daciifisey cudurkaan halis weyn ayay ugu jiraan. Sidoo kale caruurta aadka u yar ayaa u nugul cudurkaan.

    #Gabagabadii, Maxaa inala gudboon?

    Cudurka waa kugu dhici karaa waana ka badbaadi kartaa, laakin  waxaa ugu muhiimsan in aadan noqon waddadii uu cudurku ku faafi lahaa kuna gaari lahaa dad aad u tabar daran. fadlan raac tilmaamaha caafimaadka gaar ahaan kuwa ay bixiyaan hay’ada rasmiga ah sida WHO iyo wasaaradda caafimaadka ee dalka.

    Wabillahi Tawfiiq

    • 9 min.

Top-podcasts in Onderwijs

Omdenken Podcast
Berthold Gunster
Tot Het Uiterste
Denise Anna // Going Places Producties
HELD IN EIGEN VERHAAL
Iris Enthoven | Podimo
De Podcast Psycholoog
De Podcast Psycholoog / De Stroom
The Mel Robbins Podcast
Mel Robbins
Eerste Hulp Bij Uitsterven
Carice en Sieger / De Stroom