Kabasho Hamda Hussein
-
- Health & Fitness
-
Kabasho waa taxane dhaymo-nafeed ah oo ay Hamda Hussein ku rajaynayso in uu fudayd iyo raysasho u horseedo cid kasta oo wehel ka dhigata ✨🌸
-
Ep:50; Dib U Milicsi |Reflecting Back
Xilqaddan waxaynu dib ugu milicsanaynaa safarkii kabasho ee sannadka iyo badhka soo socday, waxaynu kale oo wax iska waydiinynaa muhiimadda ay leedahay 'Kabashada-Dareen' iyo calaamadaha aad ku garan kartid.Dhagaysi wacan.
-
Ep:49; Sidkanaanta Dhaawacan |Trauma Bonding
Weligaa ma dareentay in naftaadu jeceshahay ama ku sidkantahay cidda dhibaataysa? ma u wayday magac aad u bixiso xidhiidhka noocaas ah, xilqaddan ayaa kuu faah-faahinaysa magaca ,micnaha iyo qaabka uu u samaysmo xidhiidhka noocaas ahi. Dhagaysi wanaagsan.
-
Ep:48; Darreemmo- Ku Hafasho |Sensory Overload
Weligaa ma dareentay inaad dareemahaaga ku hafanaysid? sidee ayaad u maaraysay dareen-ku hafashada? Xilqaddan ayaynu maaraynta dareen ku hafashada kaga hadlaynaa, dhagaysi iyo dhaqan gelin wanaagsan
-
Episode 47: Dareen Xakamayn;Emotional Regulation
Weli ma Iswaydiisay ama ma doontay inaad dareemahaaga xakamayso? Inaad falcelinahaaga adigu falkiso oo aanay si bila qorshe ah kaaga soo fulin? Xilqaddan ayaynu ku qaadaa-dhigaynaa qaabka ugu fudud ee aad u baran kartid Xakamaynta Dareemadaada. Dhagaysi iyo Dhaqan gelin wanaagsan.
-
Episode 46: Cuqdadda Hoosaynta Q:2aad;Inferiority Complex| Kabasho|
Waa Qaybtii 2aad ee Cuqdadda Hoosaynta. Dhagaysi wanaagsan . --- Send in a voice message: https://podcasters.spotify.com/pod/show/kabasho/message
-
Ep:45; Cuqdadda Hoosaynta |Inferior Complex
Cuqadadda Hoosayntu 'Inferiority Complex' waa maxay ayaynu xilqaddan isku waydiinaynaa . Dhagaysi wanaagsan--- Send in a voice message: https://podcasters.spotify.com/pod/show/kabasho/message
Customer Reviews
Bogaadin🩷
Mahadsanid walal sida wanaagsan ee aad noogu sharaxdey iyo waqtiga aad nasiisey
Changed my mind
Wow! You explained for well mashallah , i know see the beautiful side of love 🤝
Mahadsanid ❤️❤️👸
aad baad ugu mahadsan tahay soo gudbintaada wanaagsan iyo dadaalkaaga aad bay ii caawisay maalmo nolasha igu adkeed nafteydana ay dareemeysay xumaan badan alle ha ka abaalmariyo wllo adiga iyo walidka kugu soo tabcay alle danbigiina ha dhaafo ❤️❤️❤️