Irmaan

Dawan Media

rmaan Podcast by Dawan Media is a business and entrepreneurship show spotlighting the builders, innovators, founders, and CEOs shaping Somalia’s economic future. Each episode features a candid conversation with leaders behind some of the most successful Somali companies — from fintech pioneers and logistics disruptors to retail giants, agribusiness visionaries, healthcare innovators, media entrepreneurs, and technology startups. The show dives deep into how great Somali companies are built — the early struggles, bold risks, turning points, and lessons behind growth and resilience. We explore funding journeys, leadership decisions, corporate culture, product innovation, customer challenges, and strategic execution in one of the world’s most dynamic emerging markets. Irmaan tells real stories of Somali entrepreneurship — the wins, the failures, the persistence — offering practical insights, inspiration, and a playbook for the next generation of founders. Produced by Dawan Media, Mogadishu.

Episodes

  1. 28 Aug

    S1 E6: Irmaan Podcast | Taariikhda Beeraha Soomaaliya: Maxaa Ku Dhacay Mooskii Soomaaliya?

    Beeraha Soomaaliya waxay soo mareen marxalado kala duwan—laga soo bilaabo xilligii gumeysiga, dowladdii rayidka, kacaankii, burburkii dowladdii dhexe ilaa maanta. Qeybtan cusub ee Irmaan Podcast, Cabdullaahi Salad waxaa marti u ah Maxamed Abiikar Axmed, Guddoomiyaha Ururka Qaranka Iskaashatooyinka Beeraha Soomaaliya. Waxyaabaha laga hadlay waxaa ka mid ah: Taariikhda beeraha SoomaaliyaDoorkii Talyaaniga iyo gumeysigaBeerihii dowladdii rayidka iyo kacaankiiDhoofintii mooska SoomaaliyaDagaalkii MooskaSababaha hoos u dhaca wax-soo-saarkaXaaladda maanta ee beeraha iyo dhoofintaDoorka iskaashatooyinkaSababta bangiyadu u maalgelin waayeen beerahaQalabka beeraha iyo taageerada dowladdaSida Soomaaliya u gaari karto isku filnaansho cunto Qaybaha muuqaalka: 00:00 Hordhac02:02 Taariikhdiisa waxbarasho iyo shaqo11:08 Beeraha Soomaaliya ka hor gumeysiga13:53 Xilligii gumeysiga Talyaaniga19:00 Dowladdii Rayidka iyo beeraha21:22 Kacaankii iyo horumarinta beeraha33:20 La wareegidda hantidii ajaanibta41:44 Korontada iyo horumarka beeraha44:12 Mooska Soomaaliya iyo burburkii dowladdii Militariga48:58 Dagaalkii Mooska Soomaaliya51:14 Wax-soo-saarka iyo dhoofinta wixii ka dambeeyay 20001:10:38 Xaaladda maanta ee mooska iyo waxyaabaha la dhoofiyo1:13:50 Doorka iskaashatooyinka1:17:02 Bangiyada iyo maalgelinta beeraha1:21:22 Qalabka beeraha ee dowladda keentay1:26:45 Sidee loo gaari karaa isku filnaansho cunto?

    S1 E6: Irmaan Podcast | Taariikhda Beeraha Soomaaliya: Maxaa Ku Dhacay Mooskii Soomaaliya?
  2. 26 Aug

    S1 E3: Maxaa dilay Shilinka Soomaaliga? | Irmaan Podcast

    Podcast-kan Irmaan waxaan ku falanqeyneynaa mustaqbalka Shilinka Soomaaliga, sababaha keenay in Soomaalidu si weyn u isticmaasho Doolarka, iyo doorka Mobile Money-ga ee dhaqaalaha Soomaaliya. Martida: Dr. Cabaas Cumar Maxamed waxaa daadihinaya Cabdullaahi Salaad oo ka tirsan Dawan Media. Martidu waxay sharxeysaa waxa lacag qiimo u yeela, kalsoonida bulshada, taariikhda Shilinka Soomaaliga, burburkii lacagta kadib dowladnimadii, iyo su’aasha weyn ee ah: Soomaaliya ma soo celin kartaa lacagteeda? Waxaan sidoo kale ka hadlaynaa doorka Bangiga Dhexe, caqabadaha daabacaadda Shilin cusub, Dollarization-ka, sicir-bararka, iyo sida dib-u-habeyn dhaqaale oo taxaddar leh loogu baahan yahay. Chapters: Waa maxay lacag?Taariikhda Shilinka SoomaaligaMaxaa keenay isticmaalka Doolarka?Mobile MoneyDoorka Bangiga DhexeDollarization iyo dhaqaalahaSoo celinta lacagta dalka #Somalia #SomaliShilling #MobileMoney #Dollarization #BangigaDhexe #IrmaanPodcast #DawanMedia 00:00 Hordhac: Shilinka Soomaaliga ma soo noqon karaa?01:28 Martida podcast-ka: Dr. Cabaas Cumar Maxamed02:55 Cilmi-baarista dhaqaalaha iyo dowladaha dhaqaalahoodu liito04:22 Lacagtu maxay qabataa?05:50 Shilinka Soomaaliga iyo qiimeyntiisa maanta07:18 Dhibaatada isticmaalka Shilinka ee ganacsiga waaweyn08:45 Lacagaha duugga ah iyo kuwa been-abuurka ah10:13 Xilligii Shilinka Soomaaliga xoogga lahaa11:41 Sababihii qiima-dhaca Shilinka13:08 Lacagta iyo madax-bannaanida dhaqaale14:36 Doolarka iyo xasilloonida ganacsiga Soomaaliya16:04 Suuqa iyo isbeddelka sarifka17:31 Saameynta Doolarka ee dadka danyarta ah18:59 Doolarka iyo sicir-bararka gudaha20:27 Mobile Money iyo isbeddelka dhaqaalaha21:54 Sidee Mobile Money u fududeeyey nolosha?23:22 Shirkadaha Mobile Money-ga iyo kalsoonida bulshada24:49 Lacagta digital-ka ah iyo isticmaalka maalinlaha ah26:17 Shilin cusub ma lagu shaqeyn karaa?27:45 Kalsoonida bulshada iyo lacag cusub29:12 Doorka dowladda ee soo celinta lacagta30:40 Maxaa loo baahan yahay ka hor Shilin cusub?32:07 Bangiga Dhexe iyo awooddiisa dhaqaale33:35 Kormeerka bangiyada iyo nidaamka maaliyadeed35:02 Lacag daabacid ma ku filan tahay?36:30 Bangiga Dhexe iyo shaqooyinka casriga ah37:57 Commercial banks iyo Central Bank39:26 Qiimaha lacagta iyo tartanka ganacsiga40:54 Immisa Shilin ayaa Soomaaliya u baahan kartaa?42:22 Tallaabooyinka lagu soo celin karo Shilinka43:49 Financial infrastructure-ka Soomaaliya45:17 Doolarka iyo siyaasadda dhaqaalaha dowladda46:45 Canshuuraha, Mobile Money iyo maamulka dowladda48:12 National Transformation Plan iyo lacagta dalka49:40 Dhaqaalaha dunida iyo saameynta isbeddellada51:08 Sicir-bararka iyo qiima-dhaca lacagta52:35 Sicir-barar xad-dhaaf ah maxaa keena?54:03 Talooyinka dowladda iyo ganacsatada55:31 Muwaadinimada iyo soo celinta lacagta dalka56:58 Gunaanad: Bangiga Dhexe iyo caqabadaha harsan

    S1 E3: Maxaa dilay Shilinka Soomaaliga? | Irmaan Podcast
  3. 17 May

    S1 E2: Yaa Iska Leh New Muqdisho? Mashruuca Muqdishada Cusub.

    Yaa iska leh New Muqdisho? Maxuu yahay Mashruuca Muqdishada Cusub? Sidee ayuu u shaqeyn doonaa maalgelintiisu, maxaase doorka Bangiyada Soomaaliya ku jira?Qeybtaan Irmaan Podcast, waxaan ku wareysaneynaa Abdirahmaan Ali, oo si faahfaahsan uga hadlay fikradda New Muqdisho, xaaladda Bangiyada Soomaaliya, Mobile Money, maalgelinta mashaariicda, caqabadaha dhismaha, shaqo la’aanta dhalinyarada, iyo sida mashruucan uu qeyb uga noqon karo isbeddel dhaqaale iyo mid magaalo oo ka dhaca Soomaaliya.Wareysigan wuxuu sidoo kale iftiiminayaa su’aalo muhiim ah oo ay dad badan is weydiinayaan:Yaa iska leh New Muqdisho?Sidee loo maalgelinayaa?Imisa ayuu yahay halka share?Maxaa caqabad ku noqon kara mashruuca?Bangiyada Soomaaliya heerkee ayay maanta marayaan?Mobile Money faa’iido ma yahay mise caqabad?Mashruucan ma abuuri karaa shaqooyin cusub?Daawo wareysiga oo dhan si aad u fahanto fursadaha, caqabadaha iyo mustaqbalka Mashruuca Muqdishada Cusub.Timecodes00:00 Hordhac02:00 Taariikhda Abdirahmaan Ali03:15 Xaalka Bangiyada Soomaaliya10:15 Heerka Bank-yada Soomaaliya halkee ayuu marayaa?14:38 Mobile Money: dhibaato miyaa mise faa’iido?25:15 Maxaa keena in lacagta cash-ka la isticmaalo?30:27 Maalgelinta Bank-yada ee mashaariicda36:02 Maxaa waaye fikradda New Muqdisho?49:44 Yaa la tartamaya New Muqdisho?53:03 Sidee ayay u kala horeeyaan dhismaha mashaariicda?1:02:00 Xalka iyo caqabadaha maalgelinta isbeddelka cimilada1:13:34 New Muqdisho iyo xalka shaqo la’aanta Soomaaliya1:24:40 Farqiga lacagta dhismaha iyo faa’iidada1:32:04 Imisa waaye halka share? Iyo maalgelinta1:45:57 Caqabadaha Mashruuca New Muqdisho1:57:07 Maxay ka baqaan dadka Soomaaliyeed?2:02:55 Maxaa iska beddelay filashada fikraddiisa?2:06:13 Gabagabo

    S1 E2: Yaa Iska Leh New Muqdisho? Mashruuca Muqdishada Cusub.
  4. 2 May

    S1 E1: Aas-aasihii Caymiska Soomaaliya: Qisada Maxamed Takaful | Irmaan Podcast

    Xalqadan Irmaan Podcast, waxaan ku martigelinay Maxamed Cabdi Maxamed “M.Takaful”, oo ka mid ah dadka ugu horreeyay ee dadaal weyn ku bixiyay hirgelinta iyo fahamsiinta fikradda caymiska Soomaaliya. Maxamed Takaful wuxuu ka sheekeynayaa safarkiisa shaqo iyo ganacsi, laga soo bilaabo ganacsigii dahabka iyo dharka, maqaayad uu ka bilaabay nolol ganacsi, ilaa fikirkii caymiska oo markii hore la kulmay caqabado badan balse markii dambe dib loo bilaabay. Wareysigan wuxuu si qoto dheer uga hadlayaa sida ay ku timid fikradda caymiska, sababihii fashiliyay bilowgii hore, dib-u-dhiska fikradda, sameynta sharciga caymiska dalka, iyo caqabadihii sharci, bulsho iyo ganacsi ee hortaagnaa in caymis rasmi ah ka hanaqaado Soomaaliya. Xalqaddu waxay sidoo kale taabaneysaa xiriirkii uu la yeeshay shirkaddii ugu horreysay, sameynta sharciga Islaamiga ah ee caymiska Soomaaliya, iyo waqtiyadii adkaa ee shirkadda soo martay. Daawo wareysi xiiso leh oo ku saabsan ganacsi, hal-abuur, caymis, sharci, adkeysi iyo mustaqbalka adeegyada maaliyadeed ee Soomaaliya. Chapters / Timestamps 00:00 Hordhac02:16 Taariikh nololeedkiisa shaqo iyo ganacsi12:40 Ganacsigii dahabka iyo dharka15:01 Ganacsigii maqaayadda ee laga soo beddelay pop-ka18:30 Maxay ku timid fikradda caymiska?22:20 Bilowgii fikradda caymiska maxaa fashiliyay?24:05 Dib-u-bilowgii fikradda caymiska28:33 Bilowga sharciga caymiska dalka33:50 Shirkaddii ugu horreysay ee uu xiriir la yeeshay43:46 Sameynta sharciga Islaamiga ah ee caymiska Soomaaliya52:17 Caqabadihii sharciga caymiska hortaagnaa sanadaha badan59:09 Waqtiyadii adkaa ee shirkaddu soo martay1:05:58 Fariinta Caymiska Maxamed M.Takaful1:12:51 Qaaraanka iyo caymiska1:14:45 Gabagabo

    S1 E1: Aas-aasihii Caymiska Soomaaliya: Qisada Maxamed Takaful | Irmaan Podcast

About

rmaan Podcast by Dawan Media is a business and entrepreneurship show spotlighting the builders, innovators, founders, and CEOs shaping Somalia’s economic future. Each episode features a candid conversation with leaders behind some of the most successful Somali companies — from fintech pioneers and logistics disruptors to retail giants, agribusiness visionaries, healthcare innovators, media entrepreneurs, and technology startups. The show dives deep into how great Somali companies are built — the early struggles, bold risks, turning points, and lessons behind growth and resilience. We explore funding journeys, leadership decisions, corporate culture, product innovation, customer challenges, and strategic execution in one of the world’s most dynamic emerging markets. Irmaan tells real stories of Somali entrepreneurship — the wins, the failures, the persistence — offering practical insights, inspiration, and a playbook for the next generation of founders. Produced by Dawan Media, Mogadishu.