Miizaan

Dawan Media

Miizaan Podcast, produced by Dawan Media, delivers in-depth analysis of Somalia’s politics, economy, security, and governance, as well as key developments across the Horn of Africa. Each episode features interviews, debates, and expert insights, exploring complex national and regional issues through balanced, evidence-based journalism. Miizaan aims to weigh perspectives fairly, giving voice to leaders, analysts, and citizens shaping Somalia’s democratic and developmental journey. It’s a space for critical thinking, informed dialogue, and independent reporting.

  1. 2d ago

    S1 E18 | Miisaan Podcast | El Niño iyo Fatahaadaha: Maxay Soomaaliya Filan Kartaa? | Maxamuud Macallin

    Ku soo dhawaada xalqad cusub  oo ka tirsan Miisaan Podcast! Wareysigan, Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Soomaaliya (SoDMA), Maxamuud Macallin, ayaa si qoto dheer uga hadlay xaaladda bani’aadannimo ee Soomaaliya, khatarta El Niño, fatahaadaha iyo diyaar-garowga dowladda ee roobabka la filayo. Barnaamijka waxaa daadihinaya Cali Nuur Salaad iyo Xuseen Cabdi Aadan. Guddoomiyaha ayaa ka jawaabay su’aalo muhiim ah oo ku saabsan khatarta fatahaadaha, tirada dadka ay saameyn karto, miisaaniyadda gurmadka, gaarsiinta gargaarka, wacyigelinta bulshada, iyo caqabadaha haysta SoDMA. 📌 Qodobada ugu Muhiimsan ee Wareysiga: El Niño iyo khatarta fatahaadaha: Maxay Soomaaliya ka filan kartaa roobabka El Niño, xaggee ayay fatahaaduhu u badan yihiin, inteese ayay socon karaan? 3.5 Milyan oo qof oo khatar wajahaya: Guddoomiyaha ayaa ka hadlay qiyaasta dadka ay saameyn karto xaaladda El Niño iyo khasaaraha dhaqaale ee laga filayo. Diyaar-garowga dowladda: Sidee ayay dowladda Soomaaliya ugu diyaar-garoobaysaa fatahaadaha, maxaase laga qabtay 29-ka magaalo ee loo aqoonsaday meelaha halista badan? Miisaaniyadda El Niño: Imisa lacag ah ayaa loo qiyaasay qorshaha gurmadka, inteese dowladda Soomaaliya hadda heli kartaa? Fatahaadaha Webiyada Jubba iyo Shabeelle: Sidee loo diyaariyey gurmadka dadka ku nool deegaannada ku dhow webiyada, oo ay ku jiraan 71 doonyood oo loo qorsheeyay samatabbixin? Wacyigelinta bulshada: Sidee SoDMA iyo hay’adaha kale ugu gudbinayaan shacabka digniinaha iyo macluumaadka ku saabsan khatarta soo socota? Gargaarka bani’aadannimo: Maxaa caqabad ku ah gaarsiinta cuntada, hoyga, biyaha iyo adeegyada kale ee gargaarka? Deegaannada Al-Shabaab ka taliso: Sidee xaaladda bani’aadannimo looga jawaabi karaa meelaha ay dowladda si buuxda uga hawlgeli karin? Cabashooyinka iyo qaybinta gargaarka: Sidee loo xulaa dadka iyo degmooyinka gargaarka la gaarsiinayo, sideese loo maareeyaa cabashooyinka bulshada? Musuqmaasuqa iyo hufnaanta gargaarka: Maxay SoDMA ka qabanaysaa si loo hubiyo in gargaarku gaaro dadka loogu talagalay? Caqabadaha SoDMA: Maxay yihiin caqabadaha ugu waaweyn ee hay’adda ka haysta dhinaca miisaaniyadda, agabka iyo awoodda gurmadka? Hiigsiga SoDMA: Waa maxay qorshaha hay’addu u leedahay maareynta musiibooyinka iyo diyaar-garowga mustaqbalka? 🔔 Haddii aad ka heshid barnaamijkan, fadlan SUBSCRIBE dheh, LIKE-na saar, si aad u hesho wareysiyada iyo barnaamijyada kale ee muhiimka ah! ⏱️ Time Code 00:00 — Hordhac02:16 — Dhibaatooyinka ka dhalan kara El Niño07:23 — Sidee loogu diyaar-garoobay El Niño?12:35 — Miisaaniyad intee le’eg ayaa loo hayaa El Niño?13:52 — Tallaabooyinka la qaaday ee looga hortagayo El Niño16:02 — Wacyigelinta ku saabsan El Niño18:42 — Cabsida laga qabo cunto-yaraan20:04 — Sidee looga gudbi karaa miisaaniyad-yarida?22:58 — Sidee loo xulay degmooyinka gargaarka la gaarsiinayo?24:42 — Fatahaadaha: Maxaa laga qabtay?27:29 — Maxaa iska beddelay aragtida bulshada ee iskaashiga?30:04 — Sanduuqa Maareynta Musiibooyinka iyo doorkiisa31:54 — Hay’addu ma leedahay goob loogu talagalay tabarucaadka?36:08 — Sidee Ciidamada Soomaaliyeed uga qayb qaadan karaan gurmadka?38:09 — Dadka ku nool deegaannada Al-Shabaab ka taliso iyo xaaladdooda40:40 — Al-Shabaab ma laga hadlay arrimaha bani’aadantinimada?42:41 — Kaalmada Dowladda Shiinaha45:10 — Fariinta Guddoomiyaha SODMA47:48 — Magaalada Muqdisho iyo khataraha ay wajihi karto50:01 — Kaalmadii oo dhan ayuu Maraykanku jaray53:01 — Sidee loo xaliyay arrinta hoggaamiyeyaasha bulshada?55:41 — Sidee u shaqeeyaa nidaamka cabashada dadweynaha?57:00 — Gargaarkii Hiiraan ee hadal-heynta dhaliyay59:28 — Khilaafaadka siyaasadda iyo gargaarka1:03:22 — Xildhibaannada iyo doorkooda ku aaddan gargaarka1:05:08 — Khayre iyo SODMA1:09:15 — SODMA ma haysataa miisaaniyad ku filan?1:15:32 — Caqabadaha SODMA1:19:11 — Hiigsiga SODMA1:23:19 — Cudurrada ka dhasha fatahaadaha1:25:52 — Xaqiiqada warbixinnada1:29:20 — Ka-hortagga musuqmaasuqa ee gargaarka1:31:53 — GABOGABO  📍 Subscribe: @dawan_tv💬 Ra’yigaaga ku reeb faallooyinka🔔 Nala soco si aad u hesho wareysiyada ugu xiisaha badan Soomaaliya! 🌐 https://www.dawan.so/🌐 https://www.dawan.africa🌐 https://www.bawaba.africa 📱 Download Dawan App Today:https://onelink.to/5vv232 #MiisaanPodcast #SoDMA #ElNino #CaliNuurSalaad #XuseenCabdiAadan #Soomaaliya #Fatahaad #Gargaar #DawanMedia

    S1 E18 | Miisaan Podcast | El Niño iyo Fatahaadaha: Maxay Soomaaliya Filan Kartaa? | Maxamuud Macallin
  2. Sep 27

    S1 E17 : Xamse muxuu ka yiri xiriirka Xasan Sheekh, doorashada iyo amniga? | Miizaan

    Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, Xamse Cabdi Barre, ayaa wareysi gaar ah siiyey Dawan TV, gaar ahaan Miizaan Podcast oo ah barnaamij toddobaadle ah. Wareysiga waxaa la yeeshay Alinuur Salad iyo Husein Abdi Adam.Ra’iisul Wasaaruhu wuxuu ka hadlay:- Xiriirka isaga iyo Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.- Waxqabadka Xukuumadda ee amniga iyo dhaqaalaha.- Dagaalka Al-Shabaab iyo halka ay ku dambeeyeen ciidamadii Macaawiisleyda.- Khilaafaadka dowladda federaalka kala dhexeeya Puntland iyo Jubaland.- Wax ka beddelka dastuurka iyo qorshaha doorashada qof iyo cod.- Arrimaha Laftagareen, Gedo iyo awoodda xisbiyada siyaasadeed.- Muranka dhulka, dhismaha waddooyinka iyo qorshaha Muqdisho Cusub.- Aqoonsi raadinta Somaliland iyo tartanka xilalka agaasimayaasha dowladda. 🔔 Subscribe dheh Dawan TV si aad ula socoto qaybaha cusub ee Miizaan Podcast. Fikirkaaga ku reeb faallooyinka. Time Code 00:00 Hordhac02:15 Amniga, dhaqaalaha iyo qorshayaasha kale maxaa Xukuumadda u hirgalay?17:15 Amniga, jawaabta laaluushka Al-shabaab iyo qorshaha Dowladda ee nabadda.25:10 Halkee ayay ku danbeeyaan Ciidamadii Macaweesleyda?28:37 Dagaaladii Puntland, Jubaland iyo dowladda33:25 Qorshaha xiryaha ciidamada militariga ee guud ahaan dalka39:15 Dagaalkii Malmiskaad, kala goynta Soomaaliya42:25 Hanaanka loo maray dhameystirka iyo wax-kabadalka Dastuurka iyo rabitaanka Madaxweyne ku xigeen ee Xamse48:39 halka sano ee 4-ta 5-ta iyo kala shaadheynta Xildhibaanadda iyo Golaha wasiiradda hirgalintooda maxaaa hor taagay?53:30 Doorashada Qof iyo codka ah hirgalinteeda iyo midda dadban1:06:34 Laftagareen maxaa banaanka geeyay?1:15:16 JSP iyo awoodda xisbiyada kale farqiga u dhaxeeya, iyo arinta Gedo1:28:40 Arimaha Dhulka ilaa intee ayuu jiraa?1:36:28 Xaalka Arimaha Aqoonsiga Somaliland iyo saldhigga ciidan ee Isra’il1:42:45 Tartanka agaasimayaasha dowladda1:48:10 Dhismaha wadooyinka, qorshaha Xukuumadda iyo Muqdishada Cusub1:54:48 Maxaa xafiiska ra’iisul wasaaraha u diiday inuu xarunta cusub?1:57:35 sirta heynta xilka ra’iisul wasaaraha Soomaaliya2:03:47 Gabagabo 📍 [Dawan TV](https://www.youtube.com/@Dawan_tv)🌐 [Dawan TV](https://www.dawan.so/) | [Dawan Africa](https://www.dawan.africa) | [Bawabah Africa](https://www.bawabah.africa)#XamseCabdiBarre #MiizaanPodcast #DawanTV #Soomaaliya #Doorashooyinka

    S1 E17 : Xamse muxuu ka yiri xiriirka Xasan Sheekh, doorashada iyo amniga? | Miizaan
  3. Sep 18

    S1E16:Wasiirka Maaliyadda Biixi Imaan| Walwalka ku saabsan bixinta mushaharka shaqaalaha | Miizaan Podcast

    Miizaan Podcast waxaa todobaadkaan marti ku ah Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya, Biixi Imaan Egeh, oo ka hadlay arrimo muhiim ah oo la xiriira dhaqaalaha dalka iyo qorshayaasha dowladda. Wasiir Biixi Imaan Egeh wuxuu kaga hadlay barnaamijka: Xaaladda guud ee dhaqaalaha SoomaaliyaSaameynta dhaqaalaha hakadka galay ee dowladdaMushaharka shaqaalaha dowladda iyo kharashaadka mushaharkaWalwalka ku saabsan bixinta mushaharka shaqaalahaJawaabta uu ka bixiyay eedeymo la xiriira dhaqaalahaAwoodda fulinta mashaariicda dowladdaMaalgashiga Dowladda Soomaaliya iyo qorshayaasheedaAwoodda Bangiga Dhexe ee korjoogteynta hay’adaha maaliyadeed iyo ka hortagga lacag-dhaqiddaHorn of Africa Initiative iyo doorkiisaXalka dhibaatooyinka isbeddelka cimiladaDaahfurnaanta iyo ka-qaybgalka bulshada ee dhaqaalaha dowladdaKoritaanka dhaqaalaha gaarka ah ee Soomaaliya 🎙️ Martida: Biixi Imaan Egeh – Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya🎤 Daadihiyeyaasha: AliNur Salad & Mohamed Ibrahim Fanah📺 Barnaamijka: Miizaan Podcast🏢 Dawan Media Time Code: 00:00 Hordhac02:50 Xaaladda Guud ee Dhaqaalaha Soomaaliya06:34 Saameynta Dhaqaalaha Hakadka Galay ee Dowladda18:00 Mushaharka Ugu Badan Intee Ayay Dowladda Ku Bixisaa?24:00 Ma Jiraa Walwal Mushahar-bixinta Shaqaalaha ah?31:39 Jawaabta Biixi ee Eedeynta Khayre ee Arrimaha Dhaqaalaha46:25 Jawaabta Biixi ee Eedda Awood-yaridda Fulinta Mashaariicda1:00:00 Maalgashiga Dowladda Soomaaliya iyo Qorshaheeda1:08:50 Awoodda Bangiga Dhexe iyo Ka-hortagga Lacag-dhaqidda1:29:18 Horn of Africa Initiative – Maxuu Yahay?1:39:42 Xalka Dhibaatooyinka Isbeddelka Cimilada1:51:17 Daahfurnaanta iyo Ka-qaybgalka Bulshada ee Dhaqaalaha Dowladda2:03:37 Koritaanka Dhaqaalaha Gaarka ah ee Soomaaliya2:10:17 Gabagabo Subscribe garee Dawan Media, la wadaag barnaamijka, kana qayb qaado doodda adigoo faallooyinka ku reebaya aragtidaada. 📍 Subscribe:    / @dawan_tv💬 Ra’yigaaga ku reeb faallooyinka🔔 Nala soco si aad u hesho wareysiyada ugu xiisaha badan Soomaaliya!https://www.dawan.so/https://www.dawan.africahttps://www.bawaba.africa

    S1E16:Wasiirka Maaliyadda Biixi Imaan| Walwalka ku saabsan bixinta mushaharka shaqaalaha | Miizaan Podcast
  4. Aug 28

    S1 E15: Wasiirka Dhallinyarada: Tahriibka, Cumar Cartan & Ciyaaraha Soomaaliya | Miizaan Podcast

    Kusoo dhawaada qeyb cusub oo ka mid ah Miizaan Podcast, oo martideena Tododbaadkan uu yahay Wasiirka Dhallinyarada iyo Ciyaaraha Dowladda Federaalka Soomaaliya, Maxamed Cabduqaadir Cali. Wasiirka ayaa ka hadlay arrimo badan oo quseeya dhallinyarada Soomaaliyeed, maamulka Golaha Dhallinyarada Qaranka, qorshaha Wasaaradda, safarrada dhallinyarada loo diro dibadda, tahriibka, iyo doorka dowladda ee horumarinta fursadaha dhallinyarada. Sidoo kale, wareysiga waxaa lagu falanqeeyay xaaladda ciyaaraha Soomaaliya, caqabadaha horyaallada kubadda cagta, qaabka loo xulo ciyaartoyda Xulka Qaranka, xiriirka hay’adaha ciyaaraha, iyo kaalintii dowladda ee arrintii garsoore Cumar Cabduqaadir Cartan. Qodobada ugu waaweyn ee barnaamijka: Maxaa hortaagan in Golaha Dhallinyarada Qaranka uu is doorto?Sidee Wasaaradda Dhallinyaradu u xulataa dadka safarrada loo diro?Sidee looga hortagayaa tahriibka dhallinyarada?Maxaa ka dambeeyay geerida Saamiyo ee tahriibka?Doorka dowladda Soomaaliya ee taageerada Garsoore Cumar CartanMustaqbalka ciyaaraha iyo garoomada SoomaaliyaQaabka loo dhiso Xulka Qaranka SoomaaliyeedDib-u-habeynta Golaha Olombikada Soomaaliya iyo xiriirka kubadda cagta Miizaan Podcast waxaa daadihinaya Cali Nuur Salaad iyo Maxamed Ibraahim Fanax oo Dawan ka tirsan. Time Code 00:00 Hordhac01:30 Qaybaha Wasaaradda Dhallinyarada iyo Ciyaaraha03:28 Muxuu ka qabtay waaxda dhallinyarada?13:26 Sidee u dhisan yahay Golaha Dhallinyarada Qaranka?18:06 Muxuu u eryay guddoomiyihii Golaha Dhallinyarada Qaranka?22:55 Maxay tahay dib-u-habeynta lagu wado Golaha Dhallinyarada Qaranka?25:59 Maxay tahay ujeeddada dib-u-habeynta Golaha Dhallinyarada Qaranka?30:44 Maxaa iska beddelay miisaaniyadda Wasaaradda ee 2026?36:29 Sidee lagu soo xulay dhallinyaradii loo diray Morocco?46:55 Wasaaradda Dhallinyarada ma ku lug leedahay tahriibinta dadka?48:30 Maxaa ka jira eedaha loo jeediyay Wasaaradda ee la xiriira eryidda guddoomiyihii Golaha Dhallinyarada?54:53 Wasiirka iyo Bonooniga55:49 Sidee ayay Soomaaliya ugu suuragashay in Koobka Adduunka lagu soo hadal qaado?59:08 Door noocee ah ayay Wasaaraddu ka qaadatay xallinta caqabaddii Cumar Cartan?01:01:58 Dowladda ma difaacday Cumar?01:07:25 Sidee ayay Wasaaradda, xiriirrada isboortiga iyo hay’adaha kala duwan u wada shaqeeyaan?01:18:30 Maxaa sababa xiise la'aanta horyaalka kubadda cagta Soomaaliya?01:25:10 Ma madax-bannaan yahay Xiriirka Kubadda Cagta Soomaaliyeed?01:27:53 Sidee ayay u dhisan yihiin Guddiga Olombikada Soomaaliyeed?01:40:01 Maxaa uga qorsheysan ciyaartoyda Soomaaliyeed ee dibadda ku nool?01:42:16 Maxaa uga qorsheysan doorashada Xiriirka Kubadda Cagta Soomaaliyeed?

    S1 E15: Wasiirka Dhallinyarada: Tahriibka, Cumar Cartan & Ciyaaraha Soomaaliya | Miizaan Podcast
  5. Jul 5

    S1 E13: Muxuu Cumar Cabdirashiid ka yiri? Doorashooyinka, Puntland & Dastuurka

    Todobaadkan Miizaan Podcast, waxaa marti ku ah Ra’iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya, Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaarke, oo si qoto dheer uga hadlay arrimaha siyaasadda Soomaaliya iyo mustaqbalka dalka. Wareysigan, Cumar Cabdirashiid wuxuu kaga hadlay: Wada-hadallada u dhexeeya dowladda iyo mucaaradkaKhilaafka dastuurka iyo doorashooyinkaXaaladda Puntland iyo doorkeeda siyaasadeedArrinta Somaliland iyo loollanka istiraatiijiga ah ee Geeska AfrikaSaameynta quwadaha shisheeye ee gobolkaIyo su’aasha ugu weyn… Ma yahay musharrax madaxweyne? Martidu waxay si cad uga jawaabtay su’aalo badan oo bulshada Soomaaliyeed si weyn u hadal hayso, isaga oo bixiyay aragtiyo ku saabsan federaalka, dowlad-dhiska, iyo jihada siyaasadeed ee Soomaaliya. Martida:• Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaarke — Ra’iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya, waxaa Daadihinaya Cali Nuur Salaad iyo Maxamed Ibraahim Fanax. Time Code: 00:00 Hordhac01:53 Wadahadallada Dowladda iyo Mucaaradka05:59 Wax-ka-beddelka Dastuurka22:29 Madashu ma ka tirsan yihiin?24:32 Doorashooyinka30:21 Dhaqangelinta Dastuurka32:16 Yaa mucaarad ah?33:50 Wadahadallada hadda socda ma ku jiraan?34:54 Xiriirka kala dhexeeya Dowladda41:08 Puntland52:12 Hannaanka amniga ee uu soo bandhigay xilligii uu xilka hayay55:32 Juqraafi-siyaasadeedka Soomaaliya iyo aqoonsiga Somaliland01:10:31 Dhaleeceynta Trump ee Soomaalida01:13:05 Faragelinta beesha caalamka ee Soomaaliya iyo saameynta ay ku yeelan karto doorashooyinka📍 Subscribe:    / @dawan_tv💬 Ra’yigaaga ku reeb faallooyinka🔔 Nala soco si aad u hesho wareysiyada ugu xiisaha badan Soomaaliya!https://www.dawan.so/https://www.dawan.africahttps://www.bawaba.africa #MiizaanPodcast #DawanTV #CumarCabdirashiid #Somalia #Politics #Puntland #Doorashooyinka #Dastuurka #SomaliPolitics #podcast

    S1 E13: Muxuu Cumar Cabdirashiid ka yiri? Doorashooyinka, Puntland & Dastuurka
  6. Jun 25

    S1 E12: Mucaaradka Maxay Rabaan? Musharrax Madaxweyne Cabdiraxmaan Cabdishakuur oo sharraxay

    Maxaa ka socda siyaasadda Soomaaliya? Maxay mucaaradku uga cabanayaan dowladda? Maxaa sababay xiisaddii Muqdisho ka dhacday?Qeybtan Miizaan Podcast, waxaan ku wareysaneynaa hoggaamiyaha xisbiga Xisbiga Wadajir, ahna xildhibaan ka tirsan Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, Musharrax madaxweyne Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame.Waxaa daadaihinaya Cali Nuur Salaad iyo Xuseen Cabdi Aadan.Wareysigan, Cabdiraxmaan Cabdishakuur wuxuu si faahfaahsan uga hadlay: Xiisaddii Muqdisho iyo sababaha keenayMuranka doorashooyinka SoomaaliyaEedaha la xiriira arrinta dhulkaMudaharaadyada mucaaradkaHub-ka-dhigista iyo amniga caasimaddaWadahadallada u socda dowladda iyo mucaaradka Wuxuu sidoo kale ka hadlay aragtidiisa ku saabsan hoggaanka Hassan Sheikh Mohamud, sharciyadda doorashooyinka, iyo mustaqbalka siyaasadda Soomaaliya.Daawo wareysiga oo dhan si aad u fahanto halka uu marayo muranka siyaasadeed ee Soomaaliya. Timecode00:00 Hordhac02:28 Isku dhacyadii Dowladda iyo Mucaaradka18:41 Hub-ka-dhigista29:40 Mudaharaadkii isu beddelay dagaalka42:08  Wadahadallada & dhexdhexaadinta1:05:58 Mucaradka doorsaho nuucee ah ayeey rabaan?1:11:36 Odayasha uu u yaqaano “fadlan lacag ku shubo”.1:14:54 Ma loo diiday Farmaajo in uu isbahaysiyada mucaardka ku biiro? 1:16:49 Maxaa kala gaaray isaga iyo Farmaajo?1:22:24 Turkiga iyo rajada wadahadalka1:25:37 Muxuu Galmudug doorashadeeda ka aaminsan yihiin? 📍 Subscribe:    / @dawan_tv 💬 Ra’yigaaga ku reeb faallooyinka 🔔 Nala soco si aad u hesho wareysiyada ugu xiisaha badan Soomaaliya! https://www.dawan.so/ https://www.dawan.africa https://www.bawaba.africa

    S1 E12: Mucaaradka Maxay Rabaan? Musharrax Madaxweyne Cabdiraxmaan Cabdishakuur oo sharraxay
  7. Jun 12

    S1 E11: Muxuu Xasan Sheekh ka yiri? Dhulka, Dagaalkii Muqdisho & Dowlad Goboleedyada | Miizaan

    Ku soo dhawaada xalqo gaar ah iyo wareysi xiiso leh oo ka tirsan Miisaan Podcast! Wareysigan oo ah kii ugu horreeyey ee uu Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, siiyo warbaahinta Soomaaliga intii uu xafiiska joogay muddada afarta sano ah ee termka labaad. waxaa daadaihinaya Cali Nuur Salaad iyo Xuseen Cabdi Aadan. Madaxweynaha ayaa si qoto dheer uga jawaabay su'aalo xasaasi ah oo ku saabsan xaaladda dalka, siyaasadda, amniga, iyo mustaqbalka Soomaaliya. ---  📌 Qodobada ugu Muhiimsan ee Wareysiga: Iskodhaca Mucaaradka iyo Amniga Caasimadda:Maxaa ka dhacay Muqdisho todobaadkii la soo dhaafay? Ma laga baaqsan karay fowdada, iyo waa kee cadowga dibadda ee dowladda ay farta ku fiiqayso?Dastuurka iyo Doorashooyinka:Maxay ku kala duwan yihiin dowladda iyo mucaaradka? Madaxweynaha ayaa ka hadlay dib-u-eegista Dastuurka iyo qorshaha doorashooyinka "Qof iyo Cod" ah. Xiriirka Somaliland iyo Arrimaha Geopolitika:Maxay tahay saameynta dhabta ah ee warkii sheegayay in Somaliland ay aqoonsatay Israel? Muranka Dhulka ee Muqdisho: Sidee loogu jawaabay eedeymaha ku saabsan in dowladda ay iibsanayso dhulka danta guud, maxayse tahay ujeeddada ka dambaysa nidaaminta jidadka? Kheyraadka Dalka Shidaalka iyo Macdanta: Maxaa dowladda Turkiga loogu doortay baarista shidaalka badda Soomaaliya, loogana tagay shirkadihii waaweynaa ee Seven Sisters? Dagaalka Al-Shabaab iyo Ciidanka Cirka iyo Badda: Halkuu marayaa gulufta dagaal ee dib u xoraynta dalka iyo dhismaha ciidammada casriga ah? Xiriirka Mareykanka iyo Donald Trump:Maxay tahay saameynta khudbadaha madaxweyne Trump ee Soomaalida iyo xayiraadaha fiisaha?  🔔 Haddii aad ka heshid barnaamijkan, fadlan SUBSCRIBE dheh, LIKE-na saar, si aad u heshid wareysiyada dambe ee muhiimka ah! #XasanSheekh #MiisaanPodcast #CaliNuurSalaad #Soomaaliya #Mogadishu #SiyaasaddaSoomaaliya #Doorashooyinka #Dastuurka Time Code00:00 Hordhac03:28 Ammaanka 25:57 Doorashooyinka 34:57 Wadahadallada39:32 Dastuurka49:46 Aqoonsiga Israel ee Soomaaliland 58:26 La dagaallanka Alshabaab 01:04:25 Mareykanka 01:07:56 Dhulalka01:16:43 Shidaalka 📍 Subscribe:    / @dawan_tv💬 Ra’yigaaga ku reeb faallooyinka🔔 Nala soco si aad u hesho wareysiyada ugu xiisaha badan Soomaaliya!https://www.dawan.so/https://www.dawan.africahttps://www.bawaba.africa

    S1 E11: Muxuu Xasan Sheekh ka yiri? Dhulka, Dagaalkii Muqdisho & Dowlad Goboleedyada | Miizaan

About

Miizaan Podcast, produced by Dawan Media, delivers in-depth analysis of Somalia’s politics, economy, security, and governance, as well as key developments across the Horn of Africa. Each episode features interviews, debates, and expert insights, exploring complex national and regional issues through balanced, evidence-based journalism. Miizaan aims to weigh perspectives fairly, giving voice to leaders, analysts, and citizens shaping Somalia’s democratic and developmental journey. It’s a space for critical thinking, informed dialogue, and independent reporting.