Daryeel

Dawan Media

Daryeel, meaning "Care" in Somali is the first dedicated Somali-language health podcast, brought to you by Dawan Media. Hosted by Dr. Ubah Farah, a pediatrician with over 20 years of experience in clinical practice, government leadership, and international health organizations, Daryeel delivers trusted, evidence-based health conversations designed for Somali families everywhere. Each week, Dr. Ubah sits down with leading doctors, public health experts, researchers, and everyday Somalis to explore the health issues that shape our lives maternal and child health, immunization, nutrition, mental wellness, chronic disease, reproductive health, and the unique challenges facing the Somali diaspora. No jargon. No barriers. Just honest, culturally grounded conversations that put knowledge - and care - back into the hands of Somali households. 🎧 New episodes every week. Subscribe, listen, and share. Daryeel: Caafimaadkaagu waa hantidaada. (Your health is your wealth.)

Episodes

  1. Oct 5

    Daryeel Podcast | S1E4 | Xogta HIV ee dadka isticmaala maandooriyaha.

    Barnaamijka Daryeel Podcast ee Dawan TV waxaan kaga hadlaynaa toddobaadkan qabatinka maandooriyaha, saameyntiisa caafimaadka iyo xiriirka ka dhexeeya balwadda iyo cudurrada faafa sida HIV iyo Hepatitis B. Barnaamijka waxaa marti ku ah Dr. Saadiya Abdisamad, Maamulaha Barnaamijka Ka Hortagga, Hakinta iyo Daaweynta HIV ee Wasaaradda Caafimaadka Soomaaliya, iyo Dr. Mustafa Abdirahman, oo ah dhakhtar ku takhasusay caafimaadka dhimirka. Barnaamijka waxaa daadihinaysa Dr. Ubah Farah Ahmed, oo ah dhakhtar ku takhasusay caafimaadka carruurta. Qodobada muhiimka ah waxaa ka mid ah: • Maandooriyeyaasha ugu badan ee Soomaaliya laga isticmaalo• Sababaha dhalinyarada ku riixa isticmaalka iyo qabatinka maandooriyaha• Saameynta shaqo la'aanta, barakaca, dagaallada, saboolnimada iyo culaysyada bulshada• Xiriirka ka dhexeeya caafimaadka dhimirka iyo isticmaalka maandooriyaha• Saameynta xashiishka, Tramadol iyo maandooriyeyaasha kale• HIV iyo dadka isticmaala maandooriyaha la isku duro• Khatarta Hepatitis B ee dadka isticmaala maandooriyaha la isku duro• Xogta HIV ee dadka isticmaala maandooriyaha iyo farqiga u dhexeeya bulshada guud• Saameynta balwadda ku leedahay qoyska iyo bulshada• Calaamadaha qoysku ku garan karo in qofku maandooriye isticmaalo• Psychosis, depression iyo anxiety-ga la xiriira isticmaalka maandooriyaha• Qabatinka maandooriyaha oo loo aqoonsado xaalad caafimaad oo u baahan daaweyn• Baahida loo qabo wacyigelin iyo adeegyo caafimaad oo loogu talagalay dadka balwadda leh• Doorka dowladda iyo bulshada ee ka hortagga qabatinka maandooriyaha• Khatarta sii kordheysa ee isticmaalka maandooriyaha la isku duro Soomaaliya Fariinta ugu weyn: Qabatinka maandooriyuhu ma aha dhibaato qofka oo keliya ku kooban. Wuxuu saameyn karaa caafimaadka dhimirka iyo jirka, qoyska iyo bulshada, wuxuuna kordhin karaa khatarta cudurrada faafa sida HIV iyo Hepatitis B. Ogaanshaha hore, daaweynta iyo taageerada caafimaad ayaa muhiim u ah qofka qabatimay maandooriyaha. Daawo barnaamijka oo dhan, la wadaag, kana mid noqo bulshada Dawan TV. #DaryeelPodcast #DawanTV #Maandooriye #Balwad #HIV #Somalia #CaafimaadkaDhimirka #DrugAddiction Time Code :00:00 – Hordhac02:51 – Khatarta qabatinka maandooriyaha.04:24  – Maxaa bulshada ku riixa maandooriyaha07:54 – Intee la egyahiin saameynta  ay ku leeyihiin maandooryiha cudurrada faafa14:52 – Cudarrada ku badan dadka balwadda leh21:36 – Xarumah Dhaqancelinta iyo tacaddiyda ka dhacda23:16 – Sidee la iskula daaweyn karaa HIV iyo blawad qabatinka?27:53 – Majiraan shaqaale caafimaad oo Balwad qabatin leh Soomaaliya? 36:03 – Qabatinka Balwadda iyo saameynta HIV.42:10 -  Maxaa Dowladda kaga Aadan ka hortagga Qabatinka Balwadda?46:14 - Da’da iyo jinsiga ugu badan Qabatinka Balwadda.48:02 – Doorka bulshada ee ka Hortagga Qabtinka Balwada?56:54 – Balawadda hooyada ma u gudbin kartaa caruurta caloosheed ku jira?01:01:35 - Ma jiraa qorshe loogu talkagay ka hortagga Qabatinka Balwadda?01:05:19 – Gebogebo. 📍 Subscribe: /@dawan_tv💬 Ra’yigaaga ku reeb faallooyinka🔔 Nala soco si aad u hesho barnaamijyada iyo wareysiyada ugu xiisaha badan Soomaaliya! https://www.dawan.so/https://www.dawan.africahttps://www.bawaba.africa Download Dawan App Today https://onelink.to/5vv232

    Daryeel Podcast | S1E4 | Xogta HIV ee dadka isticmaala maandooriyaha.
  2. May 24

    S1 E3: Maxaa Keena Xanuunnada Maanka iyo Is-dilka?

    Sidee bulshada Soomaaliyeed u aragtaa dadka la nool xanuunnada maanka? Maxaa qofka laga aaminsan yahay marka uu la kulmo dhibaato nafsi ah? Maxay tahay sababta mararka qaar dadka loogu geeyo cilaaj halkii loo raadin lahaa daaweyn caafimaad oo takhasus leh? Xalqaddan 3-aad ee Daryeel Podcast, oo ka baxda Dawan Media, waxaa marti ku ah Dr. Abdifatah Haji Daud, Dhakhtar ku takhasusay Cilmi-nafsiga. Waxaa daadihineysa Dr. Ubah Farah Ahmed. Wareysigan wuxuu diiradda saaraya caafimaadka maanka, fahamka bulshada, is-dilka, hurdo la’aanta, walbahaarka, qaadka, khamriga, iyo sida cudurrada nafsiga ah loogu baahan yahay in loola dhaqmo si la mid ah cudurrada jirka ku dhaca.Timecode 00:00 hordhac01:53 Qiyaasaadka Caafimaadka Maanka10:36 qeybaha waalida ama caafimaadka dhimirka18:26 caalamadaha lagu garto Waalida26:24 Yaa ugu nugul cudurada dhimirka?32:31 Maxaa keenay in Soomaalida u uku bato cudurada maanka?40:35 Maxaa ka dhaxeeya cudurada dhimirka, Sixirka iyo jinka?48:19 Intee ayay la egtahay dadka isdila53:12 Qaadashada Daroogada iyo cudurka dhimirka maxaa ka dhaxeeya?1:00:40 Maxaa dhacaya hadii qofka laga daaweyn waayo Cudurada Maskaxda?1:02:44 Talada Dhaqtarka ee Cudurka dhimirka1:07:58 Gabagabo 🔔 HA SEEGIN XALQADAHA SOO SOCDA Riix SUBSCRIBE oo daar  ogeysiiska (🔔) si aad ugu horrayso markaansoo bandhigno martida xigta — siyaasiyiin, falanqeeyayaal, iyo  siyaasadda Soomaaliya. 📍 Subscribe:    / @dawan_tv💬 Ra’yigaaga ku reeb faallooyinka🔔 Nala soco si aad u hesho wareysiyada ugu xiisaha badan Soomaaliya!https://www.dawan.so/https://www.dawan.africahttps://www.bawaba.africa ━━━━━━━━━━━━━━━━━━━━━━━━━━━━━━ 📲 NALA SOO XIRIIR 🌐  Website:    https://dawan.so/📘  Facebook:   /DawanTV🐦  X/Twitter:  @DawanTV📸  Instagram:  @DawanTV🎵  TikTok:     @DawanTV

    S1 E3: Maxaa Keena Xanuunnada Maanka iyo Is-dilka?
  3. Apr 30

    S1 E01: Tallaalka ma qasab baa mise waa ikhtiyaar? | Daryeel Podcast | Dawan Media

    Qaybtan Koowaad ee Daryeel Podcast, waxaan ku falanqaynaynaa xaaladaha caafimaad ee dalka iyo baahida loo qabo nidaam adag oo dhanka talaalka ah. Waxaan si qoto dheer u eegaynaa saddexda cudur ee sida aadka ah ugu faafa Soomaaliya iyo doorka waalidiinta ee ku aaddan badbaadinta ubadka. Waxa barnaamijka marti ku ah khubaro caafimaad oo aqoon durugsan u leh dhankan, kuwaas oo kala ah: Mohamed Abdullahi Omar (Qabiir dhanka talaalka ah oo ka tirsan WHO) iyo Ali Mohamed So’dal (Dhaqtar Caruurta ah).Qodobada ugu waaweyn ee wareysiga:Saddexda Cudur ee ugu Faafista Badan:Maxay yihiin halisyada caafimaad ee ugu weyn ee wajahaya caruurta Soomaaliyeed maanta?Muhiimadda Talaalka:Ma qasab baa mise waa ikhtiyaar? Sidee buu talaalku u beddelaa nolosha ubadka?Doorka Waalidka:Maxaa la gudboon waalidiinta si ay caruurtooda uga badbaadiyaan xanuunada faafa?Toddobaadka Talaalka Adduunka:Maadaama lagu jiro toddobaadka talaalka, maxay tahay farriinta loo dirayo bulshada? Haddii aad tahay waalid ama qof daneeya caafimaadka bulshada, ha moogaan qaybtan muhiimka ah si aad u hesho talooyin caafimaad oo xaqiiqo ku fadhiya. 📌 Mawduucyada Muhiimka ah ee lagu gorfeynayo: Isbeddellada nidaamka caafimaadka ee dhanka talaalka.Caqabadaha hortaagan in la gaaro caruur kasta oo Soomaaliyeed.Saamaynta cudurada faafa ee mustaqbalka jiilka cusub. ---Description (English) In this insightful episode of Daryeel Podcast, we explore the most critical health challenges facing children in Somalia today. Our experts analyze the prevalence of infectious diseases and the vital necessity of a robust national immunization system. Joining the discussion are Mohamed Abdullahi Omar, a vaccination expert from the World Health Organization (WHO), and Dr. Ali Mohamed So’dal, a renowned Pediatrician. Key Highlights Include: Top 3 Prevalent Diseases:Identifying the most widespread health threats to Somali children.Vaccination Debate: Is it a choice or a necessity? Understanding the life-saving impact of vaccines.Parental Responsibility:The crucial role of parents in ensuring child safety through preventive healthcare.World Immunization Week:Special insights in alignment with global health awareness goals. 📌 Key Topics Covered:  Current status and gaps in Somalia's healthcare and vaccination infrastructure.The science behind vaccines and debunking common myths.Strategic steps to improve child survival rates in regional communities. Hosted by: Dr. Ubah Farah AhmedProduction:All rights reserved by Dawan Media. #Somalia #Caafimaadka #DaryeelPodcast #Vaccination #DawanMedia #ChildHealth #Talaalka #HealthAwareness 📍 *Subscribe:* / @dawan_tv 💬 *Ra’yigaaga ku reeb faallooyinka* 🔔 *Nala soco si aad u hesho barnaamijyada ugu muhiimsan caafimaadka!*[www.dawan.so](http://www.dawan.so) | [www.dawan.africa](http://www.dawan.africa)

    S1 E01: Tallaalka ma qasab baa mise waa ikhtiyaar? | Daryeel Podcast | Dawan Media

About

Daryeel, meaning "Care" in Somali is the first dedicated Somali-language health podcast, brought to you by Dawan Media. Hosted by Dr. Ubah Farah, a pediatrician with over 20 years of experience in clinical practice, government leadership, and international health organizations, Daryeel delivers trusted, evidence-based health conversations designed for Somali families everywhere. Each week, Dr. Ubah sits down with leading doctors, public health experts, researchers, and everyday Somalis to explore the health issues that shape our lives maternal and child health, immunization, nutrition, mental wellness, chronic disease, reproductive health, and the unique challenges facing the Somali diaspora. No jargon. No barriers. Just honest, culturally grounded conversations that put knowledge - and care - back into the hands of Somali households. 🎧 New episodes every week. Subscribe, listen, and share. Daryeel: Caafimaadkaagu waa hantidaada. (Your health is your wealth.)