Miizaan

Dawan Media

Miizaan Podcast, produced by Dawan Media, delivers in-depth analysis of Somalia’s politics, economy, security, and governance, as well as key developments across the Horn of Africa. Each episode features interviews, debates, and expert insights, exploring complex national and regional issues through balanced, evidence-based journalism. Miizaan aims to weigh perspectives fairly, giving voice to leaders, analysts, and citizens shaping Somalia’s democratic and developmental journey. It’s a space for critical thinking, informed dialogue, and independent reporting.

  1. S1 E13: Muxuu Cumar Cabdirashiid ka yiri? Doorashooyinka, Puntland & Dastuurka

    3d ago

    S1 E13: Muxuu Cumar Cabdirashiid ka yiri? Doorashooyinka, Puntland & Dastuurka

    Todobaadkan Miizaan Podcast, waxaa marti ku ah Ra’iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya, Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaarke, oo si qoto dheer uga hadlay arrimaha siyaasadda Soomaaliya iyo mustaqbalka dalka. Wareysigan, Cumar Cabdirashiid wuxuu kaga hadlay: Wada-hadallada u dhexeeya dowladda iyo mucaaradkaKhilaafka dastuurka iyo doorashooyinkaXaaladda Puntland iyo doorkeeda siyaasadeedArrinta Somaliland iyo loollanka istiraatiijiga ah ee Geeska AfrikaSaameynta quwadaha shisheeye ee gobolkaIyo su’aasha ugu weyn… Ma yahay musharrax madaxweyne? Martidu waxay si cad uga jawaabtay su’aalo badan oo bulshada Soomaaliyeed si weyn u hadal hayso, isaga oo bixiyay aragtiyo ku saabsan federaalka, dowlad-dhiska, iyo jihada siyaasadeed ee Soomaaliya. Martida:• Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaarke — Ra’iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya, waxaa Daadihinaya Cali Nuur Salaad iyo Maxamed Ibraahim Fanax. Time Code: 00:00 Hordhac01:53 Wadahadallada Dowladda iyo Mucaaradka05:59 Wax-ka-beddelka Dastuurka22:29 Madashu ma ka tirsan yihiin?24:32 Doorashooyinka30:21 Dhaqangelinta Dastuurka32:16 Yaa mucaarad ah?33:50 Wadahadallada hadda socda ma ku jiraan?34:54 Xiriirka kala dhexeeya Dowladda41:08 Puntland52:12 Hannaanka amniga ee uu soo bandhigay xilligii uu xilka hayay55:32 Juqraafi-siyaasadeedka Soomaaliya iyo aqoonsiga Somaliland01:10:31 Dhaleeceynta Trump ee Soomaalida01:13:05 Faragelinta beesha caalamka ee Soomaaliya iyo saameynta ay ku yeelan karto doorashooyinka📍 Subscribe:    / @dawan_tv💬 Ra’yigaaga ku reeb faallooyinka🔔 Nala soco si aad u hesho wareysiyada ugu xiisaha badan Soomaaliya!https://www.dawan.so/https://www.dawan.africahttps://www.bawaba.africa #MiizaanPodcast #DawanTV #CumarCabdirashiid #Somalia #Politics #Puntland #Doorashooyinka #Dastuurka #SomaliPolitics #podcast

    1h 21m
  2. S1 E12: Mucaaradka Maxay Rabaan? Musharrax Madaxweyne Cabdiraxmaan Cabdishakuur oo sharraxay

    Jun 25

    S1 E12: Mucaaradka Maxay Rabaan? Musharrax Madaxweyne Cabdiraxmaan Cabdishakuur oo sharraxay

    Maxaa ka socda siyaasadda Soomaaliya? Maxay mucaaradku uga cabanayaan dowladda? Maxaa sababay xiisaddii Muqdisho ka dhacday?Qeybtan Miizaan Podcast, waxaan ku wareysaneynaa hoggaamiyaha xisbiga Xisbiga Wadajir, ahna xildhibaan ka tirsan Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, Musharrax madaxweyne Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame.Waxaa daadaihinaya Cali Nuur Salaad iyo Xuseen Cabdi Aadan.Wareysigan, Cabdiraxmaan Cabdishakuur wuxuu si faahfaahsan uga hadlay: Xiisaddii Muqdisho iyo sababaha keenayMuranka doorashooyinka SoomaaliyaEedaha la xiriira arrinta dhulkaMudaharaadyada mucaaradkaHub-ka-dhigista iyo amniga caasimaddaWadahadallada u socda dowladda iyo mucaaradka Wuxuu sidoo kale ka hadlay aragtidiisa ku saabsan hoggaanka Hassan Sheikh Mohamud, sharciyadda doorashooyinka, iyo mustaqbalka siyaasadda Soomaaliya.Daawo wareysiga oo dhan si aad u fahanto halka uu marayo muranka siyaasadeed ee Soomaaliya. Timecode00:00 Hordhac02:28 Isku dhacyadii Dowladda iyo Mucaaradka18:41 Hub-ka-dhigista29:40 Mudaharaadkii isu beddelay dagaalka42:08  Wadahadallada & dhexdhexaadinta1:05:58 Mucaradka doorsaho nuucee ah ayeey rabaan?1:11:36 Odayasha uu u yaqaano “fadlan lacag ku shubo”.1:14:54 Ma loo diiday Farmaajo in uu isbahaysiyada mucaardka ku biiro? 1:16:49 Maxaa kala gaaray isaga iyo Farmaajo?1:22:24 Turkiga iyo rajada wadahadalka1:25:37 Muxuu Galmudug doorashadeeda ka aaminsan yihiin? 📍 Subscribe:    / @dawan_tv 💬 Ra’yigaaga ku reeb faallooyinka 🔔 Nala soco si aad u hesho wareysiyada ugu xiisaha badan Soomaaliya! https://www.dawan.so/ https://www.dawan.africa https://www.bawaba.africa

    1h 37m
  3. S1 E11: Muxuu Xasan Sheekh ka yiri? Dhulka, Dagaalkii Muqdisho & Dowlad Goboleedyada | Miizaan

    Jun 12

    S1 E11: Muxuu Xasan Sheekh ka yiri? Dhulka, Dagaalkii Muqdisho & Dowlad Goboleedyada | Miizaan

    Ku soo dhawaada xalqo gaar ah iyo wareysi xiiso leh oo ka tirsan Miisaan Podcast! Wareysigan oo ah kii ugu horreeyey ee uu Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, siiyo warbaahinta Soomaaliga intii uu xafiiska joogay muddada afarta sano ah ee termka labaad. waxaa daadaihinaya Cali Nuur Salaad iyo Xuseen Cabdi Aadan. Madaxweynaha ayaa si qoto dheer uga jawaabay su'aalo xasaasi ah oo ku saabsan xaaladda dalka, siyaasadda, amniga, iyo mustaqbalka Soomaaliya. ---  📌 Qodobada ugu Muhiimsan ee Wareysiga: Iskodhaca Mucaaradka iyo Amniga Caasimadda:Maxaa ka dhacay Muqdisho todobaadkii la soo dhaafay? Ma laga baaqsan karay fowdada, iyo waa kee cadowga dibadda ee dowladda ay farta ku fiiqayso?Dastuurka iyo Doorashooyinka:Maxay ku kala duwan yihiin dowladda iyo mucaaradka? Madaxweynaha ayaa ka hadlay dib-u-eegista Dastuurka iyo qorshaha doorashooyinka "Qof iyo Cod" ah. Xiriirka Somaliland iyo Arrimaha Geopolitika:Maxay tahay saameynta dhabta ah ee warkii sheegayay in Somaliland ay aqoonsatay Israel? Muranka Dhulka ee Muqdisho: Sidee loogu jawaabay eedeymaha ku saabsan in dowladda ay iibsanayso dhulka danta guud, maxayse tahay ujeeddada ka dambaysa nidaaminta jidadka? Kheyraadka Dalka Shidaalka iyo Macdanta: Maxaa dowladda Turkiga loogu doortay baarista shidaalka badda Soomaaliya, loogana tagay shirkadihii waaweynaa ee Seven Sisters? Dagaalka Al-Shabaab iyo Ciidanka Cirka iyo Badda: Halkuu marayaa gulufta dagaal ee dib u xoraynta dalka iyo dhismaha ciidammada casriga ah? Xiriirka Mareykanka iyo Donald Trump:Maxay tahay saameynta khudbadaha madaxweyne Trump ee Soomaalida iyo xayiraadaha fiisaha?  🔔 Haddii aad ka heshid barnaamijkan, fadlan SUBSCRIBE dheh, LIKE-na saar, si aad u heshid wareysiyada dambe ee muhiimka ah! #XasanSheekh #MiisaanPodcast #CaliNuurSalaad #Soomaaliya #Mogadishu #SiyaasaddaSoomaaliya #Doorashooyinka #Dastuurka Time Code00:00 Hordhac03:28 Ammaanka 25:57 Doorashooyinka 34:57 Wadahadallada39:32 Dastuurka49:46 Aqoonsiga Israel ee Soomaaliland 58:26 La dagaallanka Alshabaab 01:04:25 Mareykanka 01:07:56 Dhulalka01:16:43 Shidaalka 📍 Subscribe:    / @dawan_tv💬 Ra’yigaaga ku reeb faallooyinka🔔 Nala soco si aad u hesho wareysiyada ugu xiisaha badan Soomaaliya!https://www.dawan.so/https://www.dawan.africahttps://www.bawaba.africa

    1h 21m
  4. S1 E8: Maxaa Fashiliyay Wadahadalladii Dowladda iyo Mucaaradka?

    May 18

    S1 E8: Maxaa Fashiliyay Wadahadalladii Dowladda iyo Mucaaradka?

    Cabdikariim Xuseen Guuleed ma isku diyaarinayaa xilka Ra’iisul Wasaaraha? Maxaa ka qaldan doodda doorashada? Mucaaradku maxay rabaan, xaggeese wax marayaan? Qeybtaan Miizaan Podcast, waxaan ku wareysaneynaa Madaxweynihii hore ee Galmudug, Cabdikariim Xuseen Guuleed, oo si faahfaahsan uga hadlay xaaladda siyaasadeed ee Soomaaliya, doodda doorashooyinka, aragtida mucaaradka, wadahadallada socda, siyaasadda Galmudug, muranka dhulka dowladda, iyo mustaqbalka xisbiga Haybad Qaran. Wareysigan wuxuu sidoo kale iftiiminayaa su’aalo muhiim ah oo ay dad badan is weydiinayaan: Cabdikariim Guuleed ma isku diyaarinayaa xil Ra’iisul Wasaare?Maxaa ka qaldan hannaanka doorashada?Mucaaradku maxay rabaan?Wadahadallada siyaasadeed xaggee marayaan?Doorashada Galmudug sidee ayuu u arkaa?Haybad Qaran yaa musharrax uga ah Galmudug?Muranka dhulka dowladda maxaa sal u ah?Mucaaradku maxay ka qabaan maamulka dhulka?Xisbiga Haybad Qaran muxuu ku tashanayaa? Daawo wareysiga oo dhan si aad u fahanto aragtida Cabdikariim Guuleed ee ku saabsan siyaasadda dalka, doorashooyinka, Galmudug, dhulka dowladda iyo mustaqbalka mucaaradka Soomaaliya. Hosted by: Hussain Abdi Adan and Alinur Salad.Production: All rights reserved by Dawan Media. 🔔 HA SEEGIN XALQADAHA SOO SOCDA Riix SUBSCRIBE oo daar  ogeysiiska (🔔) si aad ugu horrayso markaansoo bandhigno martida xigta — siyaasiyiin, falanqeeyayaal, iyo  siyaasadda Soomaaliya. 📍 Subscribe:    / @dawan_tv💬 Ra’yigaaga ku reeb faallooyinka🔔 Nala soco si aad u hesho wareysiyada ugu xiisaha badan Soomaaliya!https://www.dawan.so/https://www.dawan.africahttps://www.bawaba.africa ━━━━━━━━━━━━━━━━━━━━━━━━━━━━━━ 📲 NALA SOO XIRIIR 🌐  Website:    https://dawan.so/📘  Facebook:   /DawanTV🐦  X/Twitter:  @DawanTV📸  Instagram:  @DawanTV🎵  TikTok:     @DawanTV

    1h 34m
  5. S1 E7: Sanad Miyaa U Haray Dowladda? Wareysi Guddoomiyaha Guddiga Dastuurka

    May 9

    S1 E7: Sanad Miyaa U Haray Dowladda? Wareysi Guddoomiyaha Guddiga Dastuurka

    Dhaqan galka dastuurka Soomaaliya waa dood xasaasi ah oo meel adag mareysa, habraaca loo maray, xilliga uu dhaqan galaayo iyo su’aalo kale oo badan oo aan jawaab loo heynin ayaa dul hoganayo dastuurka.Muddo xileedka Dowladda dastuurka cusub waxa uu u bedalay 5 sano halka kii hore ay 4 sano ahayd, dowladda hadda muddadiida sii dhamaaneyso waxa ay aaminsan tahay inay waqtigoodu 5 sano noqday oo sanad kale u sii harsan yahay, balse mucaaradka waxay si duuduub ah u diidan yihiin wax ka bedelka dastuurka lagu sameeyay. DAstuurka wax laga bedelay waxaa ka farcamay shuruuc doorasho, iyo lagu dhisayo axsaab, taas oo ay doorasho qof iyo cod ah ka dhalatay, iyadana waxay abuurtay qalaalse siyaasadeed oo kale. Wareysigaan oo aan la yeelanay Guddoomiyaha Guddiga Madaxabannaan ee Dib-u-eegista iyo Hirgelinta Dastuurka (GMDHD) Avv. Burhaan Aadan Cumar oo aan wax ka weydiinay: • Wada shaqeynta Guddiyada.• Madaxbanaanida guddiga• Habraaca dib u eegista• Habka wacyigelinta• Dastuurrada Dowlad Goboleedyada.• Miisaaniyadda Dib u eegista Dastuurka• Siyaasadeynta Dastuurka.• Dhaqangalka dastuurka. Timeline:00:00 Hordhac01:13 Shaqooyinka Guddiyada Dastuurka iyo Wasaaradda.11:24 Sidee guddiyada u wada shaqeeyaan?13:50 Kumeel Gaar Mise Qabyo?20:22 Heshiisyada Dastuurka lagu dhisay?26:56 Wacyigalin La’aan.31:31 Madax bannaanida Guddiga.38:01 Miisaaniyadda Dastuurka43:37 Dastuurrada Dowlad Goboleedyada.45:42 Dhaqangalka Dastuurka49:57 Siyaasadeynta Dastuurka55:07 Dastuurka Cusub iyo shuruucda Doorashada1:00:27 Mustaqbalka Wasaaradda Dastuurka.1:01:30 Gabogabo.

    1h 7m

About

Miizaan Podcast, produced by Dawan Media, delivers in-depth analysis of Somalia’s politics, economy, security, and governance, as well as key developments across the Horn of Africa. Each episode features interviews, debates, and expert insights, exploring complex national and regional issues through balanced, evidence-based journalism. Miizaan aims to weigh perspectives fairly, giving voice to leaders, analysts, and citizens shaping Somalia’s democratic and developmental journey. It’s a space for critical thinking, informed dialogue, and independent reporting.

You Might Also Like