Dowlad-Dhis Podcast

Heritage Institute for Policy Studies

Exploring how current issues impact the process of state-building in Somalia. This program will connect everyday challenges and opportunities to the broader goal of building effective governance and institutions. Objectives: •⁠ ⁠Deliver in-depth analyses of significant challenges impacting governance and institution-building. •⁠ ⁠Highlight actionable strategies for improving peacebuilding, public service delivery, and social cohesion.

Episodes

  1. Nov 4

    Dowlad-dhis Podcast | Xalqadda 7-aad: Doorka Waxbarashada ee Dowlad-dhiska

    Waxbarashadu waa tiir muhiim u ah dowlad-dhiska, horumarinta bulshada iyo dhismaha muwaadin leh aqoon, karti iyo masuuliyad. Haddaba, sidee ayay waxbarashadu uga qayb qaadan kartaa dowlad-dhis waara? Xalqadda 7-aad ee Dowlad-dhis Podcast waxay diiradda saaraysaa doorka waxbarashada ee dowlad-dhiska Soomaaliya. Waxaa marti ku ah Dr. Saciima Cabdullaahi, Guddoomiyaha Golaha Sare ee Machadka IRAD. Dooddu waxay ku bilaabanaysaa dulmar ku saabsan xaaladda guud ee nidaamka waxbarashada dalka, caqabadaha jira iyo horumarrada la sameeyey. Sidoo kale, waxaa si gaar ah loo falanqaynayaa helitaanka waxbarasho ee bulshooyinka nugul, gaar ahaan barakacayaasha iyo dadka ku nool deegaannada fogfog. Intaas waxaa dheer, xalqaddu waxay si qoto dheer u eegaysaa manhajka waxbarashada iyo kaalinta uu ku leeyahay soo-saarista muwaadin aqoon, karti iyo masuuliyad u leh horumarka dalka. Waxa kale oo laga hadlayaa doorka dowladda ee dhismaha, tayeynta iyo maamulidda nidaamka waxbarashada. Ugu dambayn, dooddu waxay soo bandhigaysaa talooyin iyo mudnaanta ugu muhiimsan ee u baahan in wax laga qabto si loo helo nidaam waxbarasho oo loo dhan yahay, tayo leh, kana qayb qaata dowlad-dhis waara. Daadihin: Dr. C/rashiid Ismaaciil, Agaasime Ku-xigeenka Machadka Heritage. Daawo xalqaddan si aad u fahamto xiriirka ka dhexeeya waxbarashada, muwaadinnimada iyo dowlad-dhiska Soomaaliya. #DowladDhisPodcast #HeritageInstitute #Education #StateBuilding #Somalia

About