Irmaan

Dawan Media

rmaan Podcast by Dawan Media is a business and entrepreneurship show spotlighting the builders, innovators, founders, and CEOs shaping Somalia’s economic future. Each episode features a candid conversation with leaders behind some of the most successful Somali companies — from fintech pioneers and logistics disruptors to retail giants, agribusiness visionaries, healthcare innovators, media entrepreneurs, and technology startups. The show dives deep into how great Somali companies are built — the early struggles, bold risks, turning points, and lessons behind growth and resilience. We explore funding journeys, leadership decisions, corporate culture, product innovation, customer challenges, and strategic execution in one of the world’s most dynamic emerging markets. Irmaan tells real stories of Somali entrepreneurship — the wins, the failures, the persistence — offering practical insights, inspiration, and a playbook for the next generation of founders. Produced by Dawan Media, Mogadishu.

Episodes

  1. S1 E2: Yaa Iska Leh New Muqdisho? Mashruuca Muqdishada Cusub.

    17 MAY

    S1 E2: Yaa Iska Leh New Muqdisho? Mashruuca Muqdishada Cusub.

    Yaa iska leh New Muqdisho? Maxuu yahay Mashruuca Muqdishada Cusub? Sidee ayuu u shaqeyn doonaa maalgelintiisu, maxaase doorka Bangiyada Soomaaliya ku jira?Qeybtaan Irmaan Podcast, waxaan ku wareysaneynaa Abdirahmaan Ali, oo si faahfaahsan uga hadlay fikradda New Muqdisho, xaaladda Bangiyada Soomaaliya, Mobile Money, maalgelinta mashaariicda, caqabadaha dhismaha, shaqo la’aanta dhalinyarada, iyo sida mashruucan uu qeyb uga noqon karo isbeddel dhaqaale iyo mid magaalo oo ka dhaca Soomaaliya.Wareysigan wuxuu sidoo kale iftiiminayaa su’aalo muhiim ah oo ay dad badan is weydiinayaan:Yaa iska leh New Muqdisho?Sidee loo maalgelinayaa?Imisa ayuu yahay halka share?Maxaa caqabad ku noqon kara mashruuca?Bangiyada Soomaaliya heerkee ayay maanta marayaan?Mobile Money faa’iido ma yahay mise caqabad?Mashruucan ma abuuri karaa shaqooyin cusub?Daawo wareysiga oo dhan si aad u fahanto fursadaha, caqabadaha iyo mustaqbalka Mashruuca Muqdishada Cusub.Timecodes00:00 Hordhac02:00 Taariikhda Abdirahmaan Ali03:15 Xaalka Bangiyada Soomaaliya10:15 Heerka Bank-yada Soomaaliya halkee ayuu marayaa?14:38 Mobile Money: dhibaato miyaa mise faa’iido?25:15 Maxaa keena in lacagta cash-ka la isticmaalo?30:27 Maalgelinta Bank-yada ee mashaariicda36:02 Maxaa waaye fikradda New Muqdisho?49:44 Yaa la tartamaya New Muqdisho?53:03 Sidee ayay u kala horeeyaan dhismaha mashaariicda?1:02:00 Xalka iyo caqabadaha maalgelinta isbeddelka cimilada1:13:34 New Muqdisho iyo xalka shaqo la’aanta Soomaaliya1:24:40 Farqiga lacagta dhismaha iyo faa’iidada1:32:04 Imisa waaye halka share? Iyo maalgelinta1:45:57 Caqabadaha Mashruuca New Muqdisho1:57:07 Maxay ka baqaan dadka Soomaaliyeed?2:02:55 Maxaa iska beddelay filashada fikraddiisa?2:06:13 Gabagabo

    2h 10m
  2. S1 E1: Aas-aasihii Caymiska Soomaaliya: Qisada Maxamed Takaful | Irmaan Podcast

    2 MAY

    S1 E1: Aas-aasihii Caymiska Soomaaliya: Qisada Maxamed Takaful | Irmaan Podcast

    Xalqadan Irmaan Podcast, waxaan ku martigelinay Maxamed Cabdi Maxamed “M.Takaful”, oo ka mid ah dadka ugu horreeyay ee dadaal weyn ku bixiyay hirgelinta iyo fahamsiinta fikradda caymiska Soomaaliya. Maxamed Takaful wuxuu ka sheekeynayaa safarkiisa shaqo iyo ganacsi, laga soo bilaabo ganacsigii dahabka iyo dharka, maqaayad uu ka bilaabay nolol ganacsi, ilaa fikirkii caymiska oo markii hore la kulmay caqabado badan balse markii dambe dib loo bilaabay. Wareysigan wuxuu si qoto dheer uga hadlayaa sida ay ku timid fikradda caymiska, sababihii fashiliyay bilowgii hore, dib-u-dhiska fikradda, sameynta sharciga caymiska dalka, iyo caqabadihii sharci, bulsho iyo ganacsi ee hortaagnaa in caymis rasmi ah ka hanaqaado Soomaaliya. Xalqaddu waxay sidoo kale taabaneysaa xiriirkii uu la yeeshay shirkaddii ugu horreysay, sameynta sharciga Islaamiga ah ee caymiska Soomaaliya, iyo waqtiyadii adkaa ee shirkadda soo martay. Daawo wareysi xiiso leh oo ku saabsan ganacsi, hal-abuur, caymis, sharci, adkeysi iyo mustaqbalka adeegyada maaliyadeed ee Soomaaliya. Chapters / Timestamps 00:00 Hordhac02:16 Taariikh nololeedkiisa shaqo iyo ganacsi12:40 Ganacsigii dahabka iyo dharka15:01 Ganacsigii maqaayadda ee laga soo beddelay pop-ka18:30 Maxay ku timid fikradda caymiska?22:20 Bilowgii fikradda caymiska maxaa fashiliyay?24:05 Dib-u-bilowgii fikradda caymiska28:33 Bilowga sharciga caymiska dalka33:50 Shirkaddii ugu horreysay ee uu xiriir la yeeshay43:46 Sameynta sharciga Islaamiga ah ee caymiska Soomaaliya52:17 Caqabadihii sharciga caymiska hortaagnaa sanadaha badan59:09 Waqtiyadii adkaa ee shirkaddu soo martay1:05:58 Fariinta Caymiska Maxamed M.Takaful1:12:51 Qaaraanka iyo caymiska1:14:45 Gabagabo

    1hr 22min

About