Miizaan

Dawan Media

Miizaan Podcast, produced by Dawan Media, delivers in-depth analysis of Somalia’s politics, economy, security, and governance, as well as key developments across the Horn of Africa. Each episode features interviews, debates, and expert insights, exploring complex national and regional issues through balanced, evidence-based journalism. Miizaan aims to weigh perspectives fairly, giving voice to leaders, analysts, and citizens shaping Somalia’s democratic and developmental journey. It’s a space for critical thinking, informed dialogue, and independent reporting.

Episodes

  1. S1 E4: Waa maxay warqadda ay Soomaaliya u dirtay 54-ta dal ee Afrika?

    22 MAR

    S1 E4: Waa maxay warqadda ay Soomaaliya u dirtay 54-ta dal ee Afrika?

    Qeybtan gaarka ah ee Miizaan Podcast, Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya, Abdisalaan Abdi Ali Dhaay ayaa si faahfaahsan uga jawabay su'aalo ku saabsan mustaqbalka diblomaasiyadda Soomaaliya iyo difaaca danaha qaranka. Wuxuu ka hadlayaa dadaallada loogu jiro maalgelinta howlgalka AUSSOM, guulaha laga gaaray diblomaasiyadda muddadii u dambeysay, iyo qorshaha kor loogu qaadayo miisaaniyadda wasaaradda si loo xoojiyo joogitaanka Soomaaliya ee caalamka.Sidoo kale wuxuu ka hadlay difaaca madax-bannaanida dalka, gaar ahaan mowqifka dowladda ee ku aaddan faragelinta shisheeye, diidmada saldhigyo laga dhisayo Waqooyiga Soomaaliya (Somaliland), iyo go’aankii laga qaatay heshiisyadii lala galay dowladda Imaaraadka Carabta.• Maalgelinta Howlgalka AUSSOM: Wasiirka ayaa sharaxaya ololaha diblomaasiyadeed ee loogu jiro xaqiijinta dhaqaale waara oo uu ku shaqeeyo howlgalka cusub ee Midowga Afrika.• Difaaca Xuduudaha: Mowqifka adag ee dowladda ee ku aaddan ilaalinta madax-bannaanida dhuleed iyo badda Soomaaliya.• Xiriirka Caalamiga ah: Sababta looga laabtay heshiisyadii Imaaraadka iyo codsigii loo diray 54-ta dal ee Afrika.• Miisaaniyadda Wasaaradda: Rajada laga qabo in kor loo qaado dhaqaalaha wasaaradda si loo taageero safaaradaha iyo qunsuliyadaha dibadda.Haddii aad rabto inaad fahanto jihada cusub ee diblomaasiyadda Soomaaliya, difaaca qarannimada, iyo qaabka loo wajahayo amniga dalka kadib ATMIS, qaybtaan waa mid muhiim ah inaad daawato!📌 Mawduucyada Muhiimka ah ee lagu gorfeynayo: 1- Maalgelinta Howlgalka AUSSOM & Kaambaynta Diblomaasiyadeed 2- Difaaca Madax-bannaanida & Diidmada Saldhigyada Somaliland 3- Xiriirka Imaaraadka Carabta & Ka Noqoshada Heshiisyadii Hore 4- Kordhinta Miisaaniyadda Wasaaradda Arrimaha Dibadda 5- Hoggaanka Midowga Afrika ee Howlgalka Amniga SoomaaliyaWareysiga waxaa wadajir u qaaday Mohamed Ibrahim (Fanah) iyo Alinur Salaad oo ka tirsan Dawan Media. Xuquuqda Xalqaddaan waxay u dhowran tahay Dawan Media.Ha hilmaamin inaad rukumato kanaalkaan si aad u hesho xogo noloshaada wax ka bedela. --------------------------------------------------------------------------------In this special episode of Miizaan Podcast, Somalia's Minister of Foreign Affairs, Abdisalaan Abdi Ali Dhaay, provides an in-depth response to questions regarding the future of Somali diplomacy and the defense of national interests. He discusses the ongoing efforts to secure sustainable funding for the AUSSOM mission, recent diplomatic achievements, and plans to increase the Ministry's budget to strengthen Somalia's global presence.Additionally, Minister Dhaay addresses:• The defense of national sovereignty and the government's stance against foreign interference.• The rejection of foreign military bases in Northern Somalia (Somaliland).• The decision to withdraw from previous agreements with the United Arab Emirates following violations of sovereignty.• Diplomatic campaigns involving 54 African nations to support Somalia’s international standing.If you want to understand the new direction of Somali diplomacy, the protection of national sovereignty, and how the country is managing security transitions, this episode is essential for you to watch!📌 Key Topics Covered: 1- Funding the AUSSOM Mission & Diplomatic Campaigns 2- Defending Sovereignty & Rejecting Bases in Somaliland 3- Relations with the UAE & Reversing Previous Agreements 4- Budget Increases for the Ministry of Foreign Affairs 5- African Union Leadership in Somalia’s Security OperationsThe interview is hosted by Mohamed Ibrahim (Fanah) and Alinur Salaad, both from Dawan Media. All rights reserved by Dawan Media.--#Somalia #Diblomaasiyadda #AUSSOM #WasiirDhaay #MiizaanPodcast #DawanMedia #Madaxbannaanida #ForeignPolicy #somalinews Time code 00:00 hordhac01:38 Guusha Soomaaliya ee gobolaha Nadaba modowga Africa11:47 Aqoonsiga Somaliland iyo difaaca xuduudaha 17:01 Istiraatijiiyada Badda cas ee dowladda21:08 Dowladda Soomaaliya sidee ayay u wajaheysaa aqoonsiga Somaliland24:11 Arinta ka bixitaankii Heshiisyadii Imaaraadka29:37 Xaalka AUSSOM ee ka bixitaanka Soomaaliya 35:13 Howlaha wasaaradda iyo miisaaniyadda aan wax badan iska badalin39:46 gabagabo📍 Subscribe:    / @dawan_tv💬 Ra’yigaaga ku reeb faallooyinka🔔 Nala soco si aad u hesho wareysiyada ugu xiisaha badan Soomaaliya!https://www.dawan.so/https://www.dawan.africahttps://www.bawaba.africa

    41 min
  2. S1 E3: Kamid Noqoshada Soomaaliya ee Bulshada Bariga Afrika EAC, Khasaare Mise Faa'ido?

    22 MAR

    S1 E3: Kamid Noqoshada Soomaaliya ee Bulshada Bariga Afrika EAC, Khasaare Mise Faa'ido?

    Bariga Afrika maanta waa goob ay isku dhex milayaan siyaasadda, dhaqaalaha, ganacsiga, amniga iyo istaraatiijiyadda gobolka. Laba sano kadib markii Soomaaliya ku biirtay East African Community (EAC), waxaa la isweydiinayaa: maxaa la gaaray? maxaa ka dhiman? halkee loo socda? Xalqaddan Miizaan Podcast, waxaan si qoto dheer ugu falanqeynaynaa heerka isdhexgalka Soomaaliya iyo EAC, faa’iidooyinka iyo caqabadaha jira, iyo sida Soomaaliya uga faa’iideysan karto suuq ka badan 300+ milyan oo qof. Martida Gaarka ah:🎙 Cali Cumar (Cali Balcad) – Wasiir Dowlaha Arrimaha Dibadda Soomaaliya, u qaabilsan Ururka Bariga iyo Bulshada Afrika.Wuxuu si xirfadaysan uga hadlayaa: ✔️ Heerka ay Soomaaliya ka marayso is-dhexgalka EAC✔️ Waxyaabaha u sahlaya iyo caqabadaha ku hor gudban xubinimada✔️ Xiriirka Somalia & dalalka Bariga Afrika✔️ Qorshaha mideynta sharciyada socdaalka, kastamka & dhaqaalaha✔️ Sida loo dhaqaajin karo ganacsiga, socdaalka, iyo fursadaha suuqa EAC✔️ Xaaladda Suudaan & Masar✔️ Tahriibka, socdaalka iyo iskaashiga amniga gobolka Wareysiga waxaa qaaday:🎤 Mohamed Ibrahim Fanah🎤 Alinur Salaad Miizaan Podcast waxaa soo saara Dawan Media — madal loogu talagalay falanqayn qoto dheer, xog rasmi ah, iyo aragtiyo cilmiyeeysan oo ku saabsan arrimaha Soomaaliya & Bariga Afrika. Halkan ka ogow:➡️ Maxaa ka rumowday rajooyinkii ku biirista EAC?➡️ Halkee u marayaan qorshaha isdhexgalka dhaqaale & ganacsi?➡️ Maxaa ka dhiman si Soomaaliya u awooddo inay si buuxda uga dhex shaqeyso suuqa EAC? 💬 Ku biir doodda oo nala wadaag aragtidaada. 📍 Subscribe:  @dawan_tv💬 Ra’yigaaga ku reeb faallooyinka🔔 Nala soco si aad u hesho wareysiyada ugu xiisaha badan Soomaaliya!https://www.dawan.so/​https://www.dawan.africa​https://www.bawaba.africa​

    1hr 11min
  3. S1 E2: Deyn Cafinta Kadib, Soomaaliya Deyn Cusub Ma Qaadatay? Wareysi Wasiirka Maaliyadda Biixi Iimaan

    22 MAR

    S1 E2: Deyn Cafinta Kadib, Soomaaliya Deyn Cusub Ma Qaadatay? Wareysi Wasiirka Maaliyadda Biixi Iimaan

    Qeybtan gaarka ah ee Miizaan Podcast, Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya, Biixi Iimaan Cige ayaa si faahfaahsan uga jawabay su'aalo ku saabsan mustaqbalka maaliyadda Soomaaliya kadib deyn cafinta. Wuxuu ka hadlayaa sida Soomaaliya ay ku gaartay Deyn Cafinta, shuruucda deynta cusub, iyo doorka hay’adaha maaliyadeed ee caalamiga ah sida IMF iyo World Bank ee qaabaynta dhaqaalaha dalka.Sidoo kale wuxuu ka hadlay Nidaamyada dekhli uruurinta, sytem-yada cusub, la dagaallanka musuqa iyo Federaaleynta maaliyadda dalka.Doorka World Bank iyo IMF ee mashaariicda maaliyadda SoomaaliyaIsbeddellada ku saabsan canshuuraha, soo saarista dakhliga, iyo maaliyadda FederaalkaCaqabadaha iyo guulaha ku saabsan maalgashiga guud iyo maareynta mashaariicdaHaddii aad rabto inaad fahanto sida Soomaaliya u maareyso deynta, dakhliga, iyo miisaaniyadda qaranka, qaybtaan waa mid muhiim ah inaad daawato!📌 Mawduucyada Muhiimka ah ee lagu gorfeynayo:1- Deyn Cafinta & Mustaqbalka Maaliyadda Soomaaliya2- Doorka IMF & World Bank ee Maaliyadda Soomaaliya3- Mashruuca Baxnaano & Waxqabadka Mashaariicda Guud4- Federaalka & Isku-xirka Maaliyadda Dawlad Goboleedyada5- Canshuuraha & Kororka Dakhliga Miisaaniyadda Soomaaliya Wareysiga waxaa wadajir u qaaday Mohamed Ibrahim (Fanah) iyo Alinur Salaad oo ka tirsan Dawan MediaXuquuqda Xalqaddaan waxay u dhowran tahay Dawan Media. Ha hilmaamin inaad rukumato kanaalkaan si aad u hesho xogo noloshaada wax ka bedela.----In this special episode of Miizaan Podcast, Somalia's Minister of Finance, Biixi Iimaan Cige, provides an in-depth response to questions regarding the future of Somalia’s finances after debt relief. He discusses how Somalia reached the Debt Relief Completion Point, the new borrowing rules, and the role of global financial institutions like the IMF and World Bank in shaping the country's economy.Additionally, Minister Iimaan addresses:The debt collection systems and new systems in placeThe fight against corruption and fiscal federalism in SomaliaThe role of the World Bank and IMF in financing Somalia's development projectsTaxation reforms, revenue generation, and federal financial coordinationThe challenges and successes in public investment and project managementIf you want to understand how Somalia manages debt, revenue, and the national budget, this episode is essential for you to watch!📌 Key Topics Covered:Debt Relief & Somalia’s Financial FutureThe Role of IMF & World Bank in Somalia’s EconomyThe Baxnaano Project & Public Investment PerformanceFederalism & Coordination of State FinancesTaxation & Revenue Growth in Somalia’s BudgetThe interview is hosted by Mohamed Ibrahim (Fanah) and Alinur Salaad, both from Dawan Media.All rights reserved by Dawan Media. Time Code 00:00 Hordhac01:25 Maxay tahay Deyn Cafinta?07:57 Deyn Cafinta kadib21:25 Deymaha Cusub28:52 Nidaamka World Bank iyo IMF inay Soomaaliya gasho.33:40 Yaa jaangooya Mashaariicda uu Bangiga aduunku Maalgeliyo?36:34 Aqool xumo dhanka mashaariicda ah ma jirtaa?44:28 Mashruuca Baxnaano49:20 Danabeynta Dekhli Uruurinta.1:00:41 Kororka Dekhliga 1:07:07 Miisaaniyadda1:15:20 Federaaleynta Maaliyadda1:26:58: Wadaagga Kheyraadka1:29:30 Maxaa mideeya Federaalka iyo Dowlad Goboleedyada?1:32:25 Muhiimmadda Canshuurta1:36:20 Gebo Gebo📍 Subscribe:    / @dawan_tv💬 Ra’yigaaga ku reeb faallooyinka🔔 Nala soco si aad u hesho wareysiyada ugu xiisaha badan Soomaaliya!https://www.dawan.so/https://www.dawan.africahttps://www.bawaba.africa

    1hr 41min

About

Miizaan Podcast, produced by Dawan Media, delivers in-depth analysis of Somalia’s politics, economy, security, and governance, as well as key developments across the Horn of Africa. Each episode features interviews, debates, and expert insights, exploring complex national and regional issues through balanced, evidence-based journalism. Miizaan aims to weigh perspectives fairly, giving voice to leaders, analysts, and citizens shaping Somalia’s democratic and developmental journey. It’s a space for critical thinking, informed dialogue, and independent reporting.